Madaxweynaha puntland oo Shir la yeeshay Taliyaha Ciidanka Danab puntland

Monday January 29, 2024 - 14:35:14
0 Comments
60
ahmed raajaa
GAROOWE
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Taliyaha Ciidanka Danab S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar ayaa xalay shir saacado qaatay ku yeeshay guriga Sen. Cabdiraxmaan Faroole ee magaalada Garoowe.

Shirka labada dhinac ayaa waxaa udub dhexaad ka ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sida la xaqiijinayo ugu danbayntii lagu xalliyay khilaafkii dowladda iyo ciidanka Danab ee uu hoggaamiyo Jimcaale.

Ilo kala duwan oo ku dhaw madaxtooyada puntland ayaa xaqiijinaya in heshiis rasmi ah lagu dhameeyay khilaafkii madaxweynaha iyo taliye Jimcaal, waxaana ciidanka Danab lagu soo celinayaa xayndaabka dowliga ah waxaana loo ogolaaday xuquuqdoodii ciidanimo.

Ugu danbeeyntii waxaa lagu ballamay in heshiiska la fuliyo Todobaadkan gudihiisa, islamarkaana madaxweyne siciid c/ laahi Deni uu booqdo Taliska Ligle ee Ciidamada Danab, halkaas oo uu khudbad uga jeedin doono ciidamada.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment