Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo kula yeeshay Madaxa Hay'adda IMF

Tuesday January 30, 2024 - 14:49:07
0 Comments
49
ahmed raajaa
ROMA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheikh Maxamuud oo ka qeyb galay shirka Afrika iyo talyaaniga ayaa Magaalada Rome ee dalka talyaaniga kulan gaar ah kula yeeshay Madaxa Hay’adda IMF Kristalina Georgieva.

Mrs, Georgieva ayaa bogaadisay dadaalada horumarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay ku talaabsatay.

Waxay si gaar ah u xustay isbadalada dowladdu ay qaadday kuwaas oo dhaqaalaha dalka sare loogu qaadayo laguna dhimayo saboolnimada islamarkaana lagu xoojinayo heyadaha dowlada.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment