Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Madaxweynaha dalka Namibia

Sunday February 04, 2024 - 14:08:54
0 Comments
52
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo dowladda Namibia ee uga tacsiyeeyay geeriyooday H.E. Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Namibia.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo dowladda Namibia ee uu ka geeriyooday H.E. Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Namibia.

Dr. Hage G. Geingob waxa uu ahaa hoggaamiye caan ah oo naftiisa u huray u adeegida dadkiisa, isla markaana ahaa cod laga ixtiraamo qaaradda Afrika.

"Inta lagu jiro wakhtigan adag, waxaan garab istaagnaa qoyskiisa iyo dadka Namibia sida ay u murugaysan yihiin geeridii hoggaamiye weyn”sidaa ayuu yiri Madxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dalkaas Namibia ayaa geeriyooday isagoo jira da"a 82-samo jir ah, wuxuuna ahaa hogaamiye isweyn looga yaqaan qaarada Africa.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment