R/Wasaaraha XFS oo daah furay Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya,

Thursday February 29, 2024 - 13:30:42
0 Comments
54
ahmed raajaa
MUQDISHO
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray Ardaaga Casriyeynta Dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay si loo xaqiijiyo dowladnimo casri ah oo ka taabagasha dalkeenna in loo baahan yahay jid ka duwan kii hore in aan qaadno.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in hannaanka casriyeynta dowladnimada Soomaaliya uu yahay mid wax weyn ku soo kordhinaya hannaanka shaqo iyo maamul ee dalka, isaga oo tilmaamay si hadafkaas looga miro-dhaliyo loo baahan yahay in shaqooyinka iyo heerarka kala duwan ee dowladda lagu saleeyo aqoon, karti iyo tartan daah-furan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xafiiska Ardaaga Casriyaynta Dowladnimada noqdo madal lagu karkariyo aragtiyaha, loogana doodo afkaaro horumarinaya hannaanka dowladnimo ee casriga ah, isaga oo kula dardaarmay khubarada ka shaqeynaysa ardaaga aqoontii ay soo barteen u gudbiyaan hey’adaha kale ee dowladda.

Related Items


Leave a comment