Wararka

Roobab Mahiigaan ah oo kada'ay deegaanka Xaarxaar
Wararka naga soo garaya dagmada XaarXaar ayaa waxaa ay sheegayaan inay roobab ma higaan ah ay ku diirsadeen dadka iyo duunyadaba aydoo xareedu ay maantay banaaka Taalo, roobabkaas ayaa ah kuwa waxtar leh; waxaa halkaas booqday qaar kamid ah wariyasha calamiga ah ee Shabakada wararka XaarXaar Online…
Human Rights Watch oo warbixin ka soosartay Somalia
Warbixinta waxay sheegatay dil badan oo dadka deegaanka loogaysatay, xorriyad la'aan, iyo ciqaab aad u adag oo ay ku jiraan, in dadka laga gooyo lugaha iyo gacmaha. Hal qof oo ka mid ah dadka la waraystay ayaa sheegay in uu arkay adeekiis oo la dilaayo sababtoo ah wuxuu diiday inuu sheego meesha…
Burtinle: Fahfaahin ku saabsan rabshadihii deegaanka Mundul...
Dagaalo udhaxeeya labo beelood oo walaalaha ah, isla markaasna wada daga xadka ay wadaagaan gobalada Sool iyo Nugaal ee dhinaca Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ayaa ka dhacay deegaanadaasi, waxaana ay dagaaladaasi geysteen dhimashada dad kor udhaafaya 4 qof, sida ay sheegayaan wararka laga…
Germany oo sheegtay in ay gargaar u fidinayso dowlada Soomaaliya.
Golaha wasiirada Federaaliga ee dowlada Germany ayaa fadhi ay yeesheen kadib isku raacay in ay qayb ka noqoto dowladoodu isku dayada Caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu gargaaro dowlada Soomaaliya,waxaana wasiiradu intii ay ku guda jireen fadhigooda ay aad u falanqeeyeen siyaabaha ugu fudud ee ay dowladoodu…
Sheeko xiiso badan balse dhacdo dhab ah’’ Daryeel danyar Restaurant"
Qisadaan ayaa waxay ka dhacday xaafada Harlesden shopping center oo ku taal Galbeedka Magaalada London oo ay degan yihiin kumayaal Soomaali ah, kadib markii nin Soomaali ah oo cunto kariye ka ahaa maqaayad ku taal ay isku dhaceen milkilihii maqaayada oo isna Soomaali ah kadibna uu ka eryay shaqadii…
Shiikh Shariif oo Ka Hadley Aqalka Chatham House
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa fiidnimadii xalay (08.03.2010) ka hadlay aqalka loo yaqaan Chatham House, waxaana kulankaas ka soo qaybgalay Marti sharaf aad u badan kuwaas oo ay kamid yihiin jaaliyadda Soomaaliyeed.
War saxaafadeed ku aadan safarka ra'iisal wasaaraha
Ra'isal wasaraha Xukuumadda KMG ee Soomaaliya, Mudane Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa maanta ka ambabaxay dalka si uu uga qayb galo shir gaar ah oo ay wadamada xubnaha urur Goboleedka IGAD ku yeelaan doonaan magaalada Nairobi loogana hadli doonaan heshiiska loo dhan yahay ee hore u dhex maray…
Sh Shariif oo ay booqasho Rasmiya uga bilaabatay Ingiriiska.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Hogaamiyaha DKMG ayaa Maanta booqasho rasmiya oo qaadan doonto dhowr Maalmood kaga bilaabatay Dalka Ingiriiska, waxayna noqoneysaa booqashadii ugu horeysay ee uu halkaa ku tago tan iyo intii uu Madaxda u noqday Dowlada.
Halkee Mareysaa Dacwadii Gen Maxamed Cali Samatar? (Warbixin)
Maxkamada sare ee dalka Mareykanka ayaa laga sugayaa inay go'aan ka gaarto in dacwad lagu soo oogi karo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Gen Maxamed Cali Samatar iyo in kale kaasi oo dad Soomaali ah ku dacweeyeen in mamulkii uu ka tirsanaa ay geysteen xadgudubyo bani'aadanimada ka baxsan.
Dowlada sudan iyo macaaradka dafuur oo heshiiyey
Xukumadda dalka Sudan iyo jabhadda dhaq-dhaqaaqa cadaaladda iyo sinaanta ee marka lasoo gaabiyo lagu magacaabo JEM ayaa waxa ey magaalada Dooxa ee dalka Qadar ku kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah.
Obama oo Ergay Muslim ah u magcaabay OIC
Madaxweynaha Dawalada Maraykan Barack Obama ayaa Ergay gaar ah oo ah Nin Muslim ah u magcaabay Ururka ay ku midoobeen Dalalka Muslimiinta Aduunka OIC
Wasiirka cadaalada "Rajo kamaqabno inaan Alshabaab laheshiino"
Wasiirka Cadaalada ee DKMG ah Cabiraxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow) oo imika kusugan Magaalada London ayaa rajo xumo ka muujiyey inay heshiis lagalaan ururka Alshabaab wuxuuna sheegey in ururkaas ay kala qabaan fikrado aad u kala duwan oo aanan marna heshiis laga gaari karin.