Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya, iyo sida uu doonaayo in dawladiisu u maareyso xaaladda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in caalamku uu ka gaabiyey sidii looga hortagi lahaa ururka Al-shabaab oo uu ugu yeeray urur argagixiso ah. “….Khatarta al-Shabaab ma ahan mid ku kooban Soomaalida oo keliya laakiin waamid gaari karta qofkasta…jidka keliya ee looga bixi karaa waa iyada oo la taageero Dawladda Federaalka…” ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshihiisu yahay in uu soo celiyo sharcigii iyo kala danbeyntii dalka Soomaaliya, waxaana laga doonayaa qofkasta oo Soomaali ah in uu ka qaybqaato sidii loo gaari lahaa doorashooyin xor ah, dadku waxa ay u malaynayaan arintaas mid adag in ay tahay laakiin anigu waxaan aaminsanahay in aan samayn karno ayuu yiri Mr.Shariif mar uu ka hadlaayey Aqalka Chatham House.
Kadib markii uu dhameeyay khudbadiisi, waxaa su’aalo weydiiyey xubno ka socdey hay’addo caalami ah kuwo dawli ah iyo kuwo kaleba, sidoo kale waxaa su’aalo halkaas ku weydiiyey Madaxweynaha qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee shirkaas ka soo qaybgalay, waxyaabaha ugu badan ee la weydiiyey ayaa la xiriirey, Xaaladda Soomaaliya, Lamaanaha ka soo jeeda magaalada Kent ee dalka Britain, kuwaas oo afduub loogu haysto Gobolada dhexe ee Soomaaliya, iyo waxyaabo kale.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan la qaato Wasiirka Arimaha Gudaha Alan Johnson. Wasiirka ayaa ku daray kooxda al-shabaab liiska ururada argagixisada ah, waxaana uu ka mamnuucay dalka UK, Dawladda Britain ayaa aaminsan in ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo haysta dhalashada dalka Britain kuwaas oo tababar ku soo qaata dalka Soomaaliya.
Wasiirka Arimaha Gudaha ee Britain iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadli doona Argagixisada iyo Arimaha qaxootiga.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah ku yimid dalka Britain waxaana uu ku sugnaan doonaa ilaa maalinta khamiista ah. Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan labada magaalo ee ugu weyn UK.
Chatham House= Royal Institute of International Affairs, waa machad lagu derso siyaasadaha aduunka, sidoo kal ewaxaa lagu baaraa dhibaatooyinka markaas dunida ka taagan, iyo sidii xalkoodu noqon karo.
Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee horay aqalka Chatham House-ka uga hadley waxaa kamid ah raysalwasaaraha Dawladda Federaalka Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud.
Xigasho: Horseed Media
Leave a comment