Aqalka sare ee BFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka.

Saturday January 13, 2024 - 14:18:21
0 Comments
104
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiisa 5-aad ee Golaha Aqalka Sare, ajandihiisu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Arimaha Gudaha Aqalka Sare ee BJFS, Senator Deeqa Xasan Xuseen ayaa Sanatarrada la wadaagtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo ay toosin, sixid iyo siiqayn ay ku sameeyeen qodobada qaar ee sharciga.

Intaas kaddib, Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo doodiisa la guda galay ayay Sanatarradu ka dhiibteen aragtidooda iyo doodaha ay ka qabeen qaar ka mid ah qodobada sharciga oo ay ka hor jeediyeen Golaha.

Related Items


Leave a comment