R/ Wasaaraha XFS Oo la kulmay Xildhibaanad Ka Tirsan Aqalka Wakiilada Minnesota

Tuesday December 26, 2023 - 12:20:24
0 Comments
67
ahmed raajaa
MUQDISHO
R/Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay qurba joogtu ku leeyihiin dalalka ay ku nool yihiin gaar ahaan doorka firfircoon ee haweenka, isagoo intaa ku daray in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin hormuud ah ay ku leeyihiin, horumarka dhaqan dhaqaale ee dalkooda iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed xilliyada adag.

Dhankeeda Xildhibaan Hodan Xasan ayaa ka mahad-celisay soo dhawaynta qiimaha badan ee loogu sameeyey dalkeeda hooyo, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uga warbixisay xaaladda qurbojoogta Soomaaliyeed ee Mareykanka oo si dhaw ula-socda guulaha isdaba jooga ee ah ee dowladdu Soomaaliyeed ku tallaabsatay sanadihii ugu danbeeyey.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment