Wasiirka cadaalada "Rajo kamaqabno inaan Alshabaab laheshiino"

Tuesday February 23, 2010 - 15:12:14
0 Comments
3130
Super Admin
Wasiirka Cadaalada ee DKMG ah Cabiraxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow) oo imika kusugan Magaalada London ayaa rajo xumo ka muujiyey inay heshiis lagalaan ururka Alshabaab wuxuuna sheegey in ururkaas ay kala qabaan fikrado aad u kala duwan oo aanan marna heshiis laga gaari karin.

Janaqow wuxuu sheegey in ururkaas ay kaligood aaminsan yihiin kaligood inay inay diinta haystaan oo ay dadka kale ka aaminsan yihiin dad Gaalo ah taasina ay tahay fikrad khaldan,wuxuuna Wasiirku intaas ky daray in dawlada waqtigani ay tahay mid islaami ah.

"Rajo kama qabno in Alshabaab ay nala heshiiyaan,waayo kaligood ayaa aminsan inay diinta haystaan ummada inteeda kalena Gaalo ayey ka aaminsan yihiin,anaguna waqtigan waxaanu nahay Dawlad islaami ah marka waxaa soo dhamaatay rajadii aanu ka qabnay inaanu wada heshiino,waxaanu Alshabaab ka codsanaynaa inay badalaan fikirkooda waqtigan"Ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax Wasiirka cadaalada ee Soomaaliya oo muujinayey rajo xumo nabada dhow ee dalka.

Cabdiraxmaan Janaqow oo ay intabadan madaxda Alshabaab kawada tirsanaayaan Maxkamadihii Dhamaadkii 2006-dii awoodoodii lawiiqay ayaa wax laga weydiiyey Saaxiibtinimadii waqtigaas oo Hogaamiye yaasha Alshabaab kala dhaxaysay waxa imika bedelay,wuxuuna sheegay in fikrad aan diinta & Soomaalinimada shaqo kulahayn inay waqtigan soo kala dhex gashay hogaamiye yaasha Alshabaab.

Warkan kasoo yeeray Wasiir Janaqow ayaa muujinaya in Dawlada uu Madaxweyne Shariif madaxda ka yahay oo aanan haysan dhul badan aysan waqtigan diyaar u ahayn inay heshiis la gasho kooxo haysta inta badan Koonfurta Soomaaliya,mana fudu daan kadho in ay Dawlada &Ciidamada Amisom ay ku guuleystaan burburinta awoodaas.


XaarXaar Online

Related Items


Leave a comment