Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 12-aad

Tuesday January 05, 2010 - 10:49:38
0 Comments
3046
Super Admin
Waa qaybtii labo iyo Tobnaad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.

Habeenkaas wixii ka dambeeyay waxaa u bilowday kharaarkii nolosha wuxuuna noqday sidii qof waalan, wuxuuna bilaabay inuu dib ugu laabto balwad uu horay isaga daayay asaga oo ka dhiganaya madadaalo iyo wuxuu isku hilmaamsiiyo nabarada soo gaaray, wuxuuna isku dayay inuu ogaado sababta keentay inay ka fogaato gabadha uu jecelyahay ama ay ku nacday waayo wuxuu garan waayay sida naxariis darrada ah ee ay ula dhaqantay, nasiib darrase maalinba maalinta ka dambeesa Nasiib way kasii fogaaneysay Axmed, asagana wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay inuu xalliyo arrinta, gacalisadiisana dib u hanto.

 

Axmed badanaaba waqtigiisa wuxuu ku dhameysan jiray guriga Bahjo asagoo uga dhawaan jiray si uu arko Nasiib, bahjana mar walba wuxuu ka codsan jiray inay caawiso, waxayna mar walba niyadda ugu dhisi jirtay inay ku jirto arrintiisa ayna xallin doonto laakiin ilaa hadda aysan helin wax ay Nasiib tabaneso ama ay damacsantahay.

Axmed maalinba maalinta kadambeysa xaaladiisu way sii xumaaneysay balse habeen habeenada ka mid ah ayaa Nasiib iyo Bahjo ayaa yimid gurigii Bahjo ayagoo ka yimid magaalada, waxayna ugu yimadeen Axmed oo guriga ku qayilaaya.

 

Markii ay fariisteen ayaa Bahjo waxay tiri “waxbaan soo ilaabay oon soo qaadanayaaye isuga” ayadoo ula jeedkeedu ahaa si ay jaanis u siiso Axmed  si uu ula hadlo Nasiib. Axmed wuxuu Nasiib waydiiyay sababta ay u silcineyso iyo dhibka uu u geystay ee ay ka aarsaneyso. Nasiib oo dareentay in Bahjo bixitaankeedu uu ahaa mid horay loo qorsheeyay ayaa Axmed ugu jawaabtay “aboowe suuliga Ayaan kasoo laabanayaa kadibna waan is wareysaneynaa”

 

Axmed oo saacado badan fadhiyay mudana sugayay in ay Nasiib soo laabato ayaa waxaa u yimid Bahjo waxayna weydiisay Nasiib meesha ay jirto, wuxuuna u sheegay sida ay wax u jiraan iyo in uu manta oo dhan sugayay Nasiib aysanna soo laaban.

Bahjo ayaa ugu jawaabtay “Aboowe, I sug aniga ayaa soo fiirinaya” wax yar kadibna way u soo laabatay, waxayna u sheegtay in aysan joogin. Intaa kadib, Axmed wuxuu Bahjo u soo bandhigay dhibaatada jirta iyo in uusan waxba ka qaban karin.

 

Axmed guriga Bahjo wuxuu ku gaaray ilaa xilli dambe wuxuuna ka soo tagay goor dambe habeenkii asagoo luudaya, welwel iyo walbaharna  wehel u noqdeen , wuxuuna soo gaaray gurigiisa .

 

Axmed wuxuu soo baxay subaxii asagoo soo aaday guriga Bahjo, nasiib wanaag waxay wadada iskaga horyimaadeen Nasiib, wuxuuna isku dayay inuu salaamo ama la hadlo, nasiib darrase Nasiib wey inkirtay, waxayna iska dhigtay qof aan maqleyn ama aanan u jeedin, wadadana wey uga leexatay.

 

Axmed oo la yaaban sida ay wax u dhacayaan iyo mowqifka ay Nasiib taagan tahay ayaa wuxuu yimid guriga Bahjo, wuxuuna u fariistay qaad, balse Maama Cadar oo Bahjo hooyadeed aheyd ayaa waxay dareentay dhibka heysta Axmed, waxayna weydiisay sida ay wax u jiraan, wuxuuna u shegay sida ay wax u dhacayaan iyo halkey xaaladiisu marayso, Maama Cadar Ayaana ka ballan qaaday in caawiyi doonto.

 

Dhanka kale waxaa jiray  wiil la yiraahdo Cabdi Xassan ahaana Axmed saaxiibkii kuna  lahaa guriga Nasiib hortiisa harqaan dharka lagu talo, Axmed wuxuu caado ka dhigtay inuu u dhaxeeyo guriga Bahjo iyo harqaanka saaxiibkiis Cabdi Xassan, asagoo isku dayaya inuu xal u helo dhibka heysta xogna ka hela Cabdi Xassan oo ay Nasiib darris ahaayeen.

 

Nasiibna maalinba maalinta kadambeysa way kasii fogaaneysay Axmed wadooyinkana wey uga leexaneysay marka ay iska horyimaadaan. Axmed noloshiisii waxay noqotay mugdi,  bilicdiisiina way isbedeshay, garkii iyo timihiina ayaa ku baxay, dharkiina wuu garan  waayay inuu iska bedelo, dantuna waxay ku kalliftay in uu u yimaado Cabdi Xassan asagoo ula jeeda dantiisuna ay tahay inuu ka dugaashado Nasiib maadaama uu guriga Nasiib ka soo horjeeday mehredda Cabdi Xassan asagoo xilli dambe ku gaari jiray, loogana kala seexan jiray kaligiis oo fadhiya guriga hortiisa uusanna dareemi jirin barafka iyo qabowga ku dhacaya.

 

Maalin ayaa waxaa dhacday Axmed eedadiis Aamino oo ka gadaneysa dukaan alaab in uu soo hormaro Axmed oo diifi ka muuqato, kadibna waxaa arkay wiilashii lahaa dukaanka ay alaabta ka gadaneysay.

 

Mid kamid ah wiilashii ayaa yiri asagoo u tilmaamaya saaxiibkii “Wiilkaan markii hore wuu fiicnaa, balse ayaamahaan diif ayaa ka muuqata wuuna islahadlaa, waxaana u maleynayaa inuu ku dhacay buufis”.

 

Halkaan ka akhriso:

Q.1aadQ.2aad . Q.3aad. Q.4aad. Q.5aad. Q-6aad.Q-7aad.Q-8aad.Q-9aad. Q-10aad. 11aad


Related Items


Leave a comment