Ahmed Madoobe oo ka hadlay war murtiyeedkii kasoo Baxay shirkii Madasha

Thursday August 11, 2016 - 07:22:24
0 Comments
1254

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ee Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta Arbaco 10-August-2016 dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib shirkii Madasha Wadatashiga hogaamiyayaasha Qaran oo uu Kaga qayb galay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehelinayeen madaxweyne kuxigeenkii hore mudane C/laahi sheikh ismaaciil fartaag , Gudoomiyaha Baarlmaanka iyo xubno kakala tirsan labada gole ee Jubbaland, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay xubno k atirsan golayaasha Dowladda, waxaana uu mid mid u gacan qaaday mas’uuliyiintii garoonka ku soo dhaweeyay.

Shirjaraa’id oo uu Saxaafadda u qabtay ayuu Mudane Axmed Madoobe kaga hadlay Shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, oo uu xusay in uu ahaa mid muhiim u ah Umada Soomaaliyeed.

"Waxaan is leeyahay wixii shirkaas ka soo baxay cid uu u dan ahaa oo si gaar ah loogu daneeyay ma jirto waxaana uu ahaa wax masiirka ummadda oo dhan ka talinaya, hadii aan dhahno qolo hebal hala qanciyana wax la dhamaystiri karo ama soo dhamanaya maha, balse wuxuu shirkaas ahaa mid aan ku gaarnay waxaan xalka u arkaynay” ayuu yiri Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca kooban ee ku yimid doorashada ayuu xusay in maalmaha kooban ay yihiin kuwo ku idlaanaya inta ay shaqadu socoto balse ay diideen oo aysan dalkan dan u ahayn in mudo kororsi la sameeyo.

"Wax mudo kororsi ah majiro mana aaminsani in ay ka badanayso maalmaha kooban ee shaqadu ay soconayso” ayuu yiri Madaxweynahu.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu hoosta ka xariiqay in uusan ahayn Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya balse uu soo dhawaynayo cid walba oo tartamaysa isagoo ka digay in laaluush la qaato ama labixiyo.

"Anigu Musharax mahi balse waxaan soo dhawaynayaa cid walba oo tartamaysa oo hami uu ku jiro balse laaluushka aan iska ilaalino oo hab xalaal ah aan wax ku raadino” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

………………DHAMAAAD………………..

Related Items


Leave a comment