Maku dayan karnaa nabad doon Yusuf Dhuux?

Sunday January 24, 2010 - 20:26:51
0 Comments
4302
Super Admin
Nabadoon Yuusuf Dhuux wuxuu ahaa nin qaali ah soo maray beesha YD, wuxuuna caan ku ahaa nabad raadinta beesha iyo xal u ehelideeda marka loo baahan yahay.

Wuxuu kaloo caan ku ahaa xilkasnimo iyo ra'yi wanaagsan iyo hadalkoo oo uu ku deeqsiiyo. Marka intaa kadib waxaan xasuustaa intuuna marxuumka tiisa imaanin, wuxuu had jeer ku mashquulsanaan jiray horumarinta beesha uu ka dhashay oo ah YD.
 
Waxaana kaloo lagu yiqiin aftahanimo iyo karaama burji leh oo aan gabasho lahayn iyo helitaanka hadalka oo uu u fududaa iyo maskax miisaaman iyo garasho fog gogasha uu fadhiyana ka muuqda.
 
Nabadoon Yuusuf Dhuux Allaha ha u naxariistee janadii fardawsa haka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka tegayna waxaan u rajaynayaa isagii oo kale oo aan cad iska rogin inuu beesha ilaahay uga soo saaro.
 
 Marka waa su'aale awrtabloo diyaar ma u tihiin inaan ku dayano wadadii wanaagsanayd ee aan aabayaasheen iyo awoowayaasheen ka dhaxalnay oo ah dad is jecel oo is xurmeeya kala danbeeyana inaan noqono, mise waxaa idiin cad in awrtable kala qaaraan noqdo oo uu kala tago. Midinimo ayaa horumar leh taas oo aan ku arki jirnay beesha YD.
 
Dardaaran
: Odayo dhaqameedyada beesha iyo nabada doonada iyo isimada iyo waxgaradka reerka, ha noqdaan aqoon yahano iyo ganacsataba inaan xurmayno bay igula muuqataa kana faaiidaysano arimaha wax ku oolka ah ay beesha u hayaan.
 
Taasoo noo suura galin karta horumarkeena iyo horusocodkeenaba mustaqbal. qof walboo oo rag iyo dumarba leh waxaan ka codsanayaa inay xooga saaraan horumarinta beeshooda una soo jeesataan.
 
Raali ka ahaada mar kale hadalkayga waxay iga tahay baraarujin khaasatan odayaasha ku socota.
 


Qore: Maxamed Daahir Sh Nuur
odokore@yahoo.com

Related Items


Leave a comment