Eng. Barre oo daabacay Buuga Sahal - Barashada wadista baabuurta.

Saturday August 05, 2017 - 19:26:25
4 Comments
4690

Masha Allaah, Aniga oo ah Eng. Barre, Waxaa mahad iska leh Eebihii ii suurta galiyey in aan soo saaro Buugga Barashada Wadista Baabuurta, oo ku qoran afka Soomaaliga, taasna waa Eebbe mahadiis,

Taariikhdu markay ahayd 04-08-2017 ayaa daabacaadii ugu horraysay lagu soo daabacay magaalada London buugga la magac baxay SAHAL, sida aad ku aragtaan sawirda hoos ku yaal..

Haddaba buugga SAHAL wuxuu ka kooban yahay 239 bog, waana buug kuu sahlaya barashada Wadista Baabuurta oo ku qoran afka Hooyo.

Waxaadna ku baran doontaan dhammaan xeerka Sharciyada Socdaalka Gaadiidka, Guud ahaan calaamadaha waddooyinka, qaybaha ay u kala baxaan waddooyinka, xawaaraha gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waddooyinka lagaa leeyahay iyo kuwa aad ka leedahay iyo guud ahaan waxyaabaha qofka darawalka ah looga baahan yahay.


Wixii faah-faahin ah waxaad kala soo xiriiri kartaan Qoraha Buugga Eng. Barre. Via Facebook ama via Email: barre15@hotmail.com, Wabillaahi Towfiiq. Eng. Barre.

Related Items

Comments


Leave a comment