Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Oo Heshiis Is-afgarad ah La Saxiixday Hay'adda Waxbarashada Dalka Qatar Fund.

Sunday March 27, 2022 - 21:49:50
0 Comments
311
DOXA

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qadar oo uu kaga qayb galayo Shirka Madasha Dooxa, isagoo Heshiis is-afgarad ah (MOU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka waxbarashada ee dowladaha Soomaaliya iyo Qadar la saxiixday Hay’adda waxbarashada dalka Qatar Fund.


Heshiiskan Is-afgaradka ayaa ah mid lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ee aan fursadda u helin in ay aadan dugsiyada, sidoo kale kor waxaa loogu qaadayaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliyeed.


"Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh,.


Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sannadihii la soo dhaafay dadaal buuxa gelisay kor u qaadidda tayada waxbarasha dalka, iyadoo kor loo qaaday miisaaniyadda waxbarashada, lana diyaariyey manhaj waxbarasho oo ka kooban dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, sidoo kale waxbarasho lacag la’aan ah loo fidiyey kumannaan da’yar Soomaaliyeed ah.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment