Wasiirka Waxbarashada XFS iyo Wafdi uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Baydhabo

Saturday December 16, 2023 - 13:36:36
0 Comments
62
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad gobolleedka Koonfur-Galbeed.

Socdaalka Wasiirka Waxbarashada XFS ayaa daaran ka qeybgalka shir waynaha Waxbarashada dowaldda Federalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka, kaas oo lagu wado in maanta uu ka furmo magaalada Baydhabo.

Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada dowlad gobolleedka Koonfur-Galbeed, Mudane Mustaf Ahmed Idow iyo qaar kamid ah bahda Waxbarashada.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment