Wararka
QM oo isku raacay in hubka laga qaado Soomaaliya.
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa isku raacay in muddo hal sano ah laga qaado cunoqabataynta hubka dalka Soomaaliya.
Ra''iisal waraha soomaaliya oo gaaray Gobolka Galgaduud..
Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar, wasiirada arrimaha gudaha, wasiirka gaashaandhiga, wasiir ku xigeenno, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa maanta…
Madax-waynaha Soomaaliya Xassan Shiikh oo gaaray Doxa,(Video hoos ka daawo)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo galabta ka dhoofay Muqdisho ayaa caawa waxaay ka dageen caasimadda dalka Qadar ee Doha
Ra'iisal wasaaraha Dawladda Cabdifarax Shirdoon "Saacid'' oo ka soo horjeensaday shirka ka furmay Kismaayo.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa si kulul uga soo hor jeestay shirweynaha Maamul u sameynta Jubooyinka ee shalay ka furmay magaalada Kismaayo, isagoo cadeeyay in shirka ka furmay Kismaayo uu wado qaldan ku socdo.
Shirkii Kismaayo oo habsami ku socoda iyo Axmed madoobe oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax.
Iyadoo Maalintii Shalay si Hor u Dhac Shirkii maamul u Samaynta Gobolada Gedo iyo Jubbooyinku uu ka Furmay Magaalada kismaayo ayaa waxaa arrimahaa saxaafadda uga waramay Guddoomiyaha maamulka ku meel gaarka ee Kismaayo Shiikh Axmed Madoobe.
Shirka Maamul Usameyna Jubooyinka oo Furmay iyo Dowlada oon ka qeyb galin
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaa goordhaw si rasmi ah uga furmay Shirkii Maamul usameynta arimaha Jubooyinka kaas ee ka qeyb galayaan ergooyin badan oo laga kala keenay Gobolada Jubooyinka Gedo iyo qaar kamid ah Dalalka dariska la ah Soomaaliya.
Cabdifaarax shirdoon Sacid Ra'iisal wasaraha soomaaliya oo maantay wafdi ku qaabilay xafiiskiisa.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michal Caravan, safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya, Mark Boucher iyo wakiil ka socda safaaradda Faransiiska ee Kenya.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Puntland iyo wafdi uu Hogaaminayo oo Burtinle yimid.
Waftigaan ayaa waxaa hor kacayey wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdulahi Axmed jaamac (Ilko jiir) waxana si diraan loogu soo dhaweyay magaaladda Buurtile oo katirsan gobalka Nugaal.