War bixin ku saabsan socdaalkii Xildhibaanad Sacdiya Carays ay ku martay Gobollada Puntland.

Tuesday February 19, 2013 - 18:50:36
1 Comments
4672
Super Admin
Waxaa warbaahinta Burtinletimes.com iyo Meeraysane.com soo gaaray Qormo ay Xildhimaanad Sacdiya Carays Ciise Kaarshe kagga waramayso socdaalkii ay dhawaan ku soo gaartay Gobollada Puntland. Xildhibaanada ayaa Qoraalkaan kaga warami-doonta waxyaalihi ay kala soo kulantay deegaamadii ay booqatay iyo kulamadii ay la qaadatay bulshada raydka ah .Xildhibaanada ayaa hadalkeeda ku bilawday sidatan:




SAFARKI XILDHIBAAN SACDIYA CAREYS CIISE

(January 31, to February 10 2013)

Anigoo ka faa’ideysanayo fasaxa guud ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana aad u tixgalinaya ka war haynta bulshada aan wakiilka uga ahay Golaha ayaan waxaan aad ugu faraxsanahay inaan booqasho ku tagay gobolada aan ka soo jeedo. Booqashadaasi waxay ahayd mid aad u xiiso badan oo si aad u hufan iyo marti galin aad u sarayso la iiga soo dhaweeyey dhamaan goboladi iyo degmooyinki aan tagay, sidoo kale waxay booqashadaydu u dhacday si aad u xasiloon oo nabad gelyo aad u sareyso ay ku dheehantahay.

Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa dhamaan inti ka qayb qaadatay soo dhaweenti diiraneyd ee la igu soo dhaweeyey iyo dhamaan bulshadii aan ku soo booqday oo yar iyo weynba qalbi aad u furan igu qaabilay.

Sidii uu dagaalka sokeeye uga dhacay dalka muddo labo iyo labaatan sano ka hor waa markii ugu horreysay oo ay golaha shacabku fursad u helaan inay warbixin ka keenaan gobolada iyo degaanda ay ka soo jeedaan, sidaas darteed ayey aad iigu qiimo badneyd booqashada iyo ka warheenta bulshada aan wakiilka uga ahay golaha shacabka Soomaaliyeed.

Booqashadayda waxaan ku tagay Gobolada Mudug, Nugaal, Karkaar iyo Bari, gaar ahaana waxay booqashadadaydu si hufan uga dhacday magaalooyinka iyo degmooyinka Gaalkacyo, Burtinle, Garowe qardhoiyo Boosaaso, Sidoo kale intaan booqashada ku jiray waxaan shirar gaar ah iyo martiqaadyo balaaran ku yeeshay degaanada Gacno Fale iyo Xaar-Xaar, oo aan kula kulmay bulsho aad u balaaran aadna u xiiseynayey booqashadeyda.

Waxaa ii dheeraa inta magaalo oo aan kor kusoo xusay magaalooyin kale oo ku yaala wadada dheer ee iskuxidha magaalooyinka gaalkacyo iyo boosaaso si buuxda uma dhex galin laakin waan istaagayay kuna hakanayay waana la kulmayay qaar ka mid ah dadweynaha degan degaanadaasi

Waxaan ku maqnaa safarkeyga muddo toban cisho ah halkaas oo aan u xuuraamay arrimaha bulshada quseeya sida nabad gelyada, waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta bulshada. Waxaan shirar la yeeshay siyaasiyiinta goboladaasi, Ururada haweenka, aqoon yahanka ildheer garadka, culumaa u diinka, ururada dhalinyarada iyo xoolo dhaqatada bulshada

Mudadi koobneyd ee aan booqashada ku maqnaa waxaan soo bartay waxyaabo badan iyo waayo aragnimo aad u xeel dheer, waxaan arkay bulsho aad isku jecel islamarkaasna ay aad ugu weyntahay Soomaalinimadu, diinta iyo dhaqanka, qiimaysanadarisnimada,oo aan ku tilmaami karo bulsho qalbi sare oo caafimaad qaba lehayna ka go’antahay horumarinta wadankooda hasayeeshee ubaahan taagee roxoogganoo ay u horayso hormarinta baahiyaha aasaasiga ah oo ay ka helaan dawladooda.Inti aan ku jiray booqashadeyda waxaan kormeero badan ku sameeyey sidii aan u ogaan lahaa baahida guud ee asaasiga noolosha iyo horumarinta dhulka si looga foojignaado dhibaatooyinka ka jira degaanadi aan soo booqday, sidoo kale waxaan la tashaday odayaasha iyo oqoonyahanada si aan fikradooda ku wajahan horumarinta deegaanka aan wax uga ogaado.

Sidaas Awgeyd waxaan ogaaday inay deegaanada aan booqday qaarkood ay ka jiraan baahida hoos ku xusan:

1-Biyo La’aan

2-Waxbarasho La’aan

3-Caafimaad la’aan

BiyoLa’aanta:- Sida aad ula socotaan biyaha waa asaaska nolosha oo biyo la,aan waa nolol la’aan, sidaasi darteed waxaan soo arkay degmooyin biyo la’aan ah sida degmada Xaar-Xaar iyo meereysane, sidoo kale deegaanka Gacno-Fale ceel ayaa waxaa loogu dhisay bilka hor si deyn ah oo weli lagu leeyahay lacagtiisii, Waad garan kartaan dhibaatada ay leedahay biyo la’aanta iyo sida uu roobku aad ugu yaryahay goboldaasi sidaas awgeyd ayey degaanadi aan soo booqday aad ugu baahanyihiin inay helaan ceelal biyoodyo loo qodo.

Waxaan si cilmiyeysan ula kulmay aqoonyahanno qibrad xoogan u leh dhulka waxaana ka soo qaaday daraasadihii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey sidii biyo looga heli lahaa degaanadaasi, sidoo kale waxaan dul istaagay baraha ugu haboon in biyo laga qodo.

Waxbarasho La’aan:- Aqoon la’aan waa iftiin la’aan. Labada degaan ee aan kor ku soo xusay waxaa ka jirto waxbarasho la’aan aad u weyn, weli ma aan arkin degaan ay dad intaasi le’ eg deganyihiin oo waxbarasho la’aan ka jirto. Waxaan soo arkay Iskuul ay dhisteen dadka degan degaanka Xaar-Xaar oo aan shaqayneyn sababtoo ah ma heysto waxyaabaha lama huraanka ah oo looga baahan yahay waxbarashada, sidoo kale Iskuulku waa iskuul aad u yar oo u baahan in la fidiyo si ugu yaraan uu u dhameystiro waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexe.

Degaanka Gacno-Fale ma heystaan dhismo iskuul ama waxbarasho, degaan ahaan waxay xaq u leeyihiin labada degaanba inay helaan iskuulaad iyo macalimiin ka kooban hoose, dhexe iyo sare. Dadka degan degaanda waxay diyaar u yihiin iyaga iyo qurba joogtadoodaba inay qayb lixaad leh ka qaataan hormarinta deegaanadooda hasa ahaatee waa la ma huraan in ay helaan taageero si deg dega dhinacyada dowlada.

Caafimaad La’aan:-Labada degaan ee aan horey u soo xusay Xaar-Xaar iyo Gacna-Fale waxay si xoogan ugu baahan yihiin baro caafimaad oo deegaanadaa laga hirgaliyo si ay udaboolaan baahiyaha caafimaad ee halkaa ka jira, waayo bulsho tiradaa la’ eg oo aan hyesan gooboo lagu daryeelo caafimaadkooda weli ma aanan arkin deegaanadaas ka hor.

Nasiib wanaag degaanka Xaar-Xaar waxay dhisteen bar caafimaad iyagoo la kaashanaya qurba joogtakasoo jeeda degaankaa isagaa, nasiib darase ma ay shaqayso imminka sababtoo ah ma ay jiraan qalabki iyo dawooyinki ay goobtaas caafimaad ay ku shaqayn lahayd, waxay u baahantahay qalabki, dawooyinkii iyo xirfad yaqaano isugu jira takhaatiir iyo kal-kaaliyayaal.

Sidaa si la mid ah waxaa lagama maar-maan ah in la dhamaystiro dhismaha goobtaas caafimaad.Dhibaatooyinkaas saddexda ah ayaa ugu xanuun badnaa bulshada aan soo booqday, waa ayna cadahay in bulshadaasi ay ka go’antahay in qayb libaax leh ay ka qaataan horumarinta dhinacyada aan horay kusoo xusay inta karaan kooda ah, laakiin waxaa loo baahan yahay kaalintii kaga aadanayd dawlada federaalka ah ee soomaaliya.run ahaantii waa ay badan yihiin baahiyaha ka jiro deegaanada somaalida gaar ahaan deegaanada aan booqashada ku kula bixiyay laakiin waxaan go’aansadayinaanukalaqaadohadba sida ay u kala culusyihiin waxaana ugu muhiimsan in laga hadlo ama wax laga qabto.

Kadib safarkii dheeraa ee mudada 10ka casho ahayd aan ku kala bixiyay Goboladada mudag, Nugaal,Karkaar,iyo Bari waxa aan warbixintayda ku cadaynayaa in safarkaygii aan kula kulmay wax yaabo badan oo aad ii farxad galiayay oo ay ka mid ahaayeen degaanno xasiloon oo uu ka jiro ammaan buuxa oo la isku hallayan karo ilaa iyo xad, waxaa intaa dheer in aan la kulmay bulsho laga dheehan karo wadaninimo iyo isku duubni,waxaa kale bulsha waynta deegaanada aan gaaray laga arki karaa sida ay ugu baahan yihiin mar un in ay arkaan dawlad soomaaliyeed oo sidhaba uga taaba gasha gayiga soomaaliya.Waxaa kale oo ay dad waynaha deegaanadaasi rajo wayn ka qabaan in ay deegaanadooda ay ka shaqa bilawdo dawlada soomaaliyaHay’adaheeda kala duwan.

Waxaa kale oo aan indhahayga ku arkay intaan safarkayga ku guda jiray deegaano ay ka jiraan dhibaatooyin doora oo ay kamid yihiin biyo la’aan, isbitaal la’aan iyo waxbarasho la’aan sidaa awgeed waxaan oran karaa dadwaynaha deegaanadaasi ma haystaan dhammaan adeegyada baahiyaha aas-aasigaa.

Gabagadi safarkayga waxaan ka codasanayaa Dawladda federaalka ah ee soomaaliya in si deg-degsiimo leh ay wax uga qabto baahiyaha ay tabanayaan deegaannada kor ku xusan ee ay mas’uulka katahay.gaar ahaan baahiyaha aasaasigaa sida biyaha,waxbarashada iyo caafimaadka. waxaan mar 2aad iyo mar3aadba aan si xushmad leh uga codsanayaa dawlada soomaaliyeed gaar ahaan hay’adaha qusayso in ay daboosho dhibaatooyinka deegaanada aan horay usoo xusay ee mas’uuliyaddu iska saaraan si dhaqsana wax uga qabtaan.


WQ. Xildhimaand Sacdiya Carays Ciise

Related Items

Comments


Leave a comment