Qaybta sadexaad: Turxaanbixinta & Wacyi-galinta Nidaamka Federaalka, by BARRE M.Sc

Friday March 15, 2013 - 04:10:31
1 Comments
2165
Super Admin

Qaybta Saddexaad Turxaanbixinta & Wacyi-galinta Nidaamka Federaalka.Qaybtii Labad waxaan ku soo qaadanay macnaha guud ee Nidaamka Federaalk, gaar ahaan Homegeneous Federaal iyo Hetrogeneous Federaal. Sidoo kale waxaan ku soo qaadanay Lixda Nooc oo uu ka kooban yahay Federalism Federaal.

Qaybtii Saddexaad waxaan uga hadli doonaa Cilmi baaris qoto dheer oo ku saabsan Nidaamka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Cutubyo la xiriira Qodobo Saldhig u ah Barnaamijka Nidaamka Federaal iyo Dib-u-habeynta Qabyo Qoraalka Dastuurka”..

Marka haddii aan soo qaadano Cutubka Kowaad: Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya wuxuu ka kooban yahay 9 Qodob Qodob" (Qodobka 1aad ilaa Qodobka 9aad). Marka haddii aan soo qaadano " Cutubka Kowaad, Qodobka 1aad. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya", wuxuu qeexayaa “Soomaaliya waa Jamhuuriyad federaal ah, leh gobannimo, dimoqraaddi ah, oo ku dhisan matilaadda dadweynaha, loo dhan yahay oo ku salaysan Nidaamka Axsaaba badan iyo caddaalad bulshadeed).

Marka sidaan horay ugu soo sheegnay xaqiiqdii Nidaamka Federaalka Soomaaliya waxaa lagu dhisay ama aasaaskisu ahaa Hab Qabiil, ka dibna oo la doonayo in lagu dhiso Hab Axsaab. Soomalidu waxay ku maah-maahdaa “Dani waa Seeto, amaLama Huraan waa Cowska jiilaal, taas waxaa loo la jeedaa haddii ay Soomaalidu fursan waaysay in Qabiil lagu dhiso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marka waxaa wanaagsan ama haboon in laga baaraandago talaabada kale ee la qaadi doono, oo ay noqoto mid ka sii wanaagsan tii markii hore lagu dhisay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ama ka qaab gadisan. Su’aasho waxay tahay (Goorma ayey dhaqan gali doonaan Axsaabta Siyaasiga, eek u xusan Qodobka 1aad ee Federaalka Soomaliya?, Waa meeqa tirade Axsaabta Siyaasiga ee loo ogol yahay in doorasha ka qayb qaataa?).

Sidoo kale, Qodobka 7aad. Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qaybtiisa qodobka 2, wuxuu qeexayaa “Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo” iyoQodobka 8aad. Shacabka iyo Jinsiyadda, Qaybtiisa 1aad “Shacabka Soomaaliyeed waa mid, lamana kala qaybin karo, wuxuuna ka kooban yahay dhammaan muwaadiniinta”.

Marka su’aasha meesha taalo waxay tahay SOMALILAND waxay doonaysaa in ay ka go’do Koofurta Soomaliya, marka maxaaa dhacaya? Waxaanse ognahay in SOMALILAND ay ka jirto nabadgelyo iyo maamul wanaagsan. Waxaana la soconaa in Somaliya laga qaaday xanibaadka Hubka, marka ma laga yaabaa in Dowladda dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya haddii ay wada hadal ku xallin weyso SOMALILAND, in dagaal la gasho SOMALILAND, oo ka jirta nabadgelyo waqtigan la joogo.

Sidoo kale; Qodobka 49aad. Tirada iyo xuduudaha Dowladda xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyo Degmooyinka, Numberka (6) Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.


Marka waxay dad badani is weydiiyaan Gobalka Galmudug, wuxuu ka kooban yahay Hal Gobol, sharciga Federaalka eek or ku xusan wuxuu dhigayaa (Ugu yaraan labo Gobol iyo in ka badan, marka haddii ay diido in Galmdugu ay ku biirto Gobol kale ama lagu biirito Gobol kale maxaa dhaci doona. Ma is oran kartaa halkaas waxaa waxaa ka dhici kara muran iyo is qabsasho haddii aan la raacin sharciyada Nidaamka federaalka

Sidoo kale, Cutubka Afraad: Matilaadda Shacabka, “Madax Koowaad: Mabaadi'da Guud ee Matilaada Shacabka”, Qaybtiisa Madaxa Labaad: Doorashooyinka, Qodobka 47aad. Nidaamka Doorashooyinka iyo Xsibiyada, oo qeexaya "Shuruucda ku saabsan Xisbiyada, Diiwaangelintooda, Doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah iyo Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka, waxaa lagu qeexi doonaa shuruuc gaar ah oo uu soo saaro Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ".

Marka Su’aashu waxay tahay goorma ayaa la soo saaro doonaa Nidaamka Doorashooyinka iyo kan xisbiyada? Su;aasha kale waxay tahay shacabku ma dooran karaan xisbiyada inta aanan la diiwaangalin xisbiyada? Su’aasha saddexaad waxay tahay waa intee tirade xisbiyaya, mise waxaa la sugayaa “Dib-u-habeynta Qabyo Qoraalka Dastuurka”..

Sidaas darteed, Qodobka 48aad. Qaab-dhismeedka Dawladda

(1) Qaab-dhismeedka Dawladda ee Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu ka kooban yahay 2 heer Dawladeed: ((a) Heerka Dawladda Federaalka. (b) Heerka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka oo ay hoos-imaanayaan Dawladaha Degaanku/Hoose.


LA SOCO QAYBTA AFRAAD, MAHADSANID.

QORE: BARRE M.Sc., MIAENG, SMADF, MSITC.

Related Items

Comments


Leave a comment