Maxaad ka taqaanaa Magcyada golaha fulinta ee kooxda Shabaab iyo xilalka ay u hayaan shabaab

Saturday September 25, 2010 - 18:15:39
1 Comments
7019
Super Admin
Waa golaha fulinta qaybta somalida ugu jirta oo ah 42 xubnood guud ahaan waa 85 inta kale waa ajaanib waxaana horjooge u ahaa qaybta soo duulayasha Khalid Al-muhajir Al-musdafaa oo ku geeriyooday dagaalladii ugu dambeeyay Waxa u u dhashay dalka Pakistan, ragaani dagaalada ma galaan, laakiin waxeey abaabulaan dhalinyaro ay ka dhaadhiciyaan dagaaladani inay Jihaad yihiin, iyaguna ma tagaan dagaallada, waxay ku haraan goobaha nabadda ah.

Kooxdaan waxay ku tagri falaan dhaqaalaha soo gala kooxda, waxay wataan gawaarida raaxada. ayagoo sabab u noqday geeridda Boqolaal Caruur ah oo ay aragti qaldan ku soo dagaal galiyeen iyo dhaawacyada boqolaal kale oo caruur ah.

Sidoo kale waxay sabab u yihiin geeridda in ka badan 300 qof oo rayid ah maalmo kooban, iyo intaas laba jibaarkeed oo dhaawac ah, barakaca in ka badan 1 Milyan oo shacab ah, iyo dadkii barakacay oo ay dhibaato uga daba geeyeen dalalkii ay u barakaceen sida Uganda, Kenya,

Raggaasi Soomaalida ah eek u jira Fulinta Shabaab magcahooda waa sidan:-

  1. Axmed Cabdi Godane Horjoogaha shabaab.
  2. Ibraahim Xaaji Jaamc ku-xigeenka 1aad, iyo maaliyadda.
  3. Abuu Mansuur ku-xigeenka 2aad ee maleeshiyaadka.
  4. Fu’aad Shongole madaxa wacyi galinta.
  5. Mukhtaar Abuu Muslim Fatwada.
  6. Khalif Maxamud Warsame NGO-yada.
  7. Mm Karatay Qubuuro faagidda.
  8. Cumar Maxaud Jimcaale(matan) Horjooge maleeshiyada ilaalada Godane.
  9. Cali Maxud Raage Afhayeen.
  10. C/llaahi Timo Jilic Farsamada qoryaha iyo iibka.
  11. Xasan Afgooye Adeegaha gaarka ah ee godane.
  12. C/llaahi Nadir Turjumaanka godane.
  13. Sahal Iskudhuuq Afduubka hay’adaha iyo iibintooda.
  14. Xuseen Dayniile Gobalada.
  15. Xasan Dhere Madaxa hantida ay soo dhacaan.
  16. Xasan Afrax U qaybsanaha xiriirka burcad badedda.
  17. Maxamed Cumar Adeega ajaanibta iyo daryeelkooda.
  18. Bashiir Qoorgaab Horjoogaha kooxda hoobiyaasha.
  19. Axmed Cusuble Horjoogaha xisbada(boliska) guud.
  20. Mahad Karatay Tababarada.
  21. Axmed Fifle Qaybta maaliyadda.
  22. Xasan Turki Odayga raskanbonigi Shabab ku biiray.
  23. Maxamed Dulyadeyn Isku xirka raas ganbooni iyo Shabaab.
  24. Farxaan Maxaed Kaahiye Xafiiska guud ee gaashaandhigga.
  25. C/llaahi Xiirane Horjoogaha gobalka Sh/hoose.
  26. Daahir Gacaney Qaaliga guud ee Shabaab.
  27. Cali Muuse Qasnajiga.
  28. Cali Maxamed Xuseen Horjoogaha gobalka Banaadir.
  29. C/llaahi Xaaji( daa’uud) Horjoogaha amniyaadka(dilalka).
  30. Cumar Faaruuq Horjoogaha booliska gobalka Banaadir.
  31. Maxed Balli Barabagaanka(ninkii hawiye ku tilmaamay galo).
  32. Aadan Coonbe Arimaha bulshada.
  33. Faarx Cali Xusen Dacwada gobalka sh/dhexe.
  34. Yuusuf Kaba Kudukade Horjoogaha galgaduud.
  35. Kaba Jaceel ku-xigeenka goballka sh hoose.
  36. C/raxiim Cali Muudey Madaxa canshuuraha dhuxusha.
  37. Xasan Qoodax Horjoogaha maleeshiyaadka gedo.
  38. Xusen Daqare Horjoogaha gobalka gedo.
  39. Cali Rooti Aaska carruurta ku geriyooda dagaalada.
  40. Bukhaari Horjoogaha sh/dhexe.
  41. Yuusuf Macalin C/Qaadir Horjooge ku xigeen.
  42. Ismaan Macalin Maxamud Horjooge maleeshiyo.

Waxa aan soo gudbin doonaa taariikhda gacan ku dhiiglayaashaan qof qof, waxaana sidoo kale sheegi doonaan meelaha ay wax ku soo barteen qaarkood sida Axmed godane oo jaamacad ku soo dhameeyay dalka Pakistaan, iyo Ibraahim Xaaji Jaamac oo waxbarashhadiisa ku soo qaatay dalka Mareykanka, sidoo kale waxaan idiin soo gudbin doonaa horjoogayasha caanka ku ahaa dagaaladi qabiilka iyo isbaarooyinkii lagu yaqiinay gudaha magaalada Muqdisho iyo gobalada kale.

Waxaa kale oo aan soo gudbin doonaa Sawiro horjoogayaal muhiim u ah Maleeshiyaadka koxoda Shabaab ee dhibaatda ka wadda Dalkeena Somaliya.

Related Items

Comments


Leave a comment