Midowga Yurub oo caalamka ugu baaqay in ay taageeraan dagaalka lagula jiro Burcad badeeda

Saturday October 02, 2010 - 19:30:53
0 Comments
1892
Super Admin
Ereg Vander oo ah madaxa wafdi ka socda Midowga Yurub oo booqasho ku jooga magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa beesha caalamka ugu baaqay in loo baahan yahay dadaal mideysan oo burcad badeeda Soomaaliyeed ee xeebaha bariga Africa ka howlgasha wax loga qabato

Wax uu sheegay in Midowga Yurub ay wadaan howlaha ugu badan ee burcad badeeda ka dhanka ah sidaa awgeedna dunida inteeda kale laga sugayo in ay muujiyaan kaalintooda buracadda lagula dagaalamayo.

Mr Vendor ayaa shaaca ka qaaday in todobaadkii la soo dhaafay ciidamada badda Midowga Yurub ay badbaadiyeen 9 badmaaxiin Kenyaati ah oo buracad badeeddu ku weerareen xeebata magaalada lagu magacaabo Malindi.

“Ciqaabidda iyo xarigga kuwa looga shakiyay burcad badeednimo aad ayay u wanaagsan tahay in loo helo istiraatiijiyad saxan si looga hurtago Burcad badeedda” ayuu halkiisa ku sheegay madaxa wafdi ka socda Yurub ee booqanaya dalka Kenya.

In ka badan toboneeya burcad badeed ah ayaa la xakumay kuwa kalana marki la qabtay ayaa loo gudbiyay wadanka Kenya taa oo Midowga Yurub ku sheegeen in ay tusaale wanaagasan iyo wada shaqen u dhexeysa Midowga Yurub iyo dalka Kenya ay tahay.

Wafdigaan ka socda Midowga Yurub ayaa ka dhawaajiyay in hadii aan la helin taageero caalami ah in marin biyoodka dekedda Mombasa ee Kenya iyo magaalada Darussalam ee xarunta wadanka Tanzania ay burad badeedu ay si qoto dheer u saameyn doonto.

Dhamaadka xilli roobaadkaan waxa jira kororka weerarada burcaddu ay ku qaadayaan meelaha ku dhow xeebaha Kenya taa oo muujinaysa baahsanaanta howlaha buraca badeeda.

Burcad badeeda ayaa Qatar ku ah gobolka geeska Africa iyo isu socodka beesha caalamka , waxa ayna sidoo kale saameeyeen danaha dhaqaale ee wadanka Kenya.

Golaha badmaaxiinta wadanka Kenya ayaa qiyaastii sheegay in buracad badeedu weerarrada ay kordhiyeen saameyn ku yeesheen alaabaha soo gelaya Kenya bishiiba lacag dhan 23.8 m oo dollar halka waxyaabaha dhoofiska ahna ay saameeyeen 9.8m oo dollar.

Related Items


Leave a comment