5 ruux uu ku jiro nin dil gaystay oo ku geeriyootay maanta degmada galdogob ee G/mudug

Thursday January 18, 2024 - 18:51:49
0 Comments
73
ahmed raajaa
GALDOGOB
Koox hubaysan ayaa dilka u geestay afar ruux degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Ninkaas hubaysan oo khamri ka keenay gudaha Itoobiya ku socday dhinaca Galdogob ayaa markii hore hal askari ku dilay kastamka Tuurdibi qaybtiisa Itoobiya.

Kadib Kooxdii khamriga sidsay oo xoog ku maray kastamka Tuurdibi ayaa markii ay galeen gudaha degmada Galdogob waxay halkaasi ku dileen saddex nin oo ay ku jiraan wiil iyo aabbihiis sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Mid kamid ah kooxdii khamriga sidday ayaa sidoo kale lagu dilay gudaha degmada Galdogob iyadoo dhimashada ay gaarayso 5 ruux .

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment