Guddoomiyaha Midowga Culimada Muslimiinta Caalamka oo Muqdisho gaaray

Monday February 05, 2024 - 14:15:19
0 Comments
52
ahmed raajaa
MUQDISHO
Gudoomiyaha  ururuka Culimada Muslimiinta, Sheekh Cali Muxyidiin Al-Qaradaaghi, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, waxa uuna kulummo la qaadanayaa, masuuliyiinta iyo Culima udiinka.

Sheekh Cali Muxuyidiin Al-Qara Dhaagi ayaa lagu wadaa in uu bixiyo dood  cilmiyeed oo gaar ah oo ku saabsan fiqiga: macaamilka maaliyadeed ee casriga ah, waxaana soo qabanqaabisay xarunta cilmi baarista iyo daraasaadka ee Maqaasid Soomaaliyeed.

Sheekh Cali Muxyidiin Al-Qaradaghi ayaa bishii Janaayo ee sanadkan cusub ee 2024-ka loo doortay guddoomiyaha ururka culimada muslimiinta , iyadoo cod aqlabiyad ah lagu doortay kalfadhigii lixaad ee ka dhacay caasimadda Qatar ee Dooxa.

Sheekhu wuxuu booqday Muqdisho 2023.

Sheekh Cali Muxyidiin Al-qara Dhaghi waxa uu ku dhashay degmada Qara-dag ee gobolka Sulaymaaniya ee gobolka Kurdistaan ​​ee dalka Ciraaq, waxa uu shahaado jaamacadeed ku qaatay magaalada Baqdaad sanadkii 1975-kii.

Sidoo kale waxa uu shahaadada labaad ee Master-ka ka qaatay kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Al-Azhar sannadkii 1980-kii, waxa uu sidoo kale 1985-kii ka qaatay shahaadada PHD ee Shareecada iyo Qaanuunka ee dhinaca qandaraasyada iyo macaamilka dhaqaalaha Jaamacadda Al-Azhar 1985-kii.

Dr. Ali Al-Qaradaghi waxa uu ahaa Xoghaye Guud ee Ururka Midowga ilaa 2010. Waxa uu sidoo kale ahaa Guddoomiyaha Golaha Sare ee La-talinta ee Isku-soo-dhowaynta Qaybaha Ururka Iskaashiga Islaamka.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment