Maleeshiyaad ka goostay Shabaab iyo khilaafka Godane iyo Roobow oo meel sare gaaray

Tuesday October 12, 2010 - 18:46:03
0 Comments
3535
Super Admin

Tan iyo markii uu xoogaystay khilaafka ba’an ee u dhexeeya horjoogayasha kooxda Shabaab ayaa waxaa uu jah-wareer la soo gudboonaaday dhallin yaro fara badan oo Shabaabku ku dagaal galiyeen in ay Diinta Ilaahey u dagaallamayaan, kuwaas oo garowsaday in waxa loo dirirayaahi aysan shaqo ku laheyn Diin ee Higsigu yahay gaarista dani siyaasadeed oo kaliya.

Warar lagu kalsoonyahay oo laga helay goobo kala duwan oo ay maamulaan Alshabaab ayaa sheegaya in rag badan oo ka tirsan kooxda la waayay meel ay cirib iyo jaan dhigeen , tan iyo markii sida muuqata loo dareemay khilaafka xagga awoodda iyo aragtida ah ee soo kala dhex galaylabada horjooge ee ugu sarreeya Shabaab ee Axmed Cabdi Godane iyo Mukhtaar Roobow, oo xilligan labadooda mid kastaa guluf ugu jiro sidii uu kan kale uga takhallusi lahaa wax kasta ha ku qaadatee.

Warar BT ka helayso qeybo kamid ah Muqdisho, degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobollada Shabeellada dhexe, Galguduud iyo Jubbooyinka ayaa sheegaya in kala jiidashada maleeshiyaadka ee Roobow iyoi Godane wadaan, ay sidoo kale jiraan maleeshiyaad kooxda horay uga tirsanaa oo banneeyay goobihii ay ku sugnaayeen, lana tagay wixii ay hub heysteen, ka dib markii ay go’aan ku gaareen in ay kooxda isaga baxaan.

Dadka deggan iyo degmooyin iyo tuulooyin dhowr ah oo Shabaabku gacanta ku hayeen, ayaa sheegay in kala daadashada Shabaabka iyo goosashada maleeshiyaadka laga dareemayo goobaha ay joogaan, iyadoo maleeshiyo fara ku tiris ah ku hareen deegaannadii ay horay xoogga ku joogeen.

Waxaa xaalku sii xumaaday, xurguftuna cirka isku shareertay, ka dib markii ay guul darro ku dhammaadeen , isku dayo la doonayay in khilaafka lagu xalliyo oo ay garwadeen ka ahaayeen Ajaanibta Shabaabka maamusha iyo nin lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Bilaal.

Fashilka waxaa loo aaneeyay markii Godane iyo xulafadiisu ku eedeeyeen Maxamed Ibraahim Bilaal in uu la saftay Mukhtaar Roobow oo ay isku heyb yihiin.

Arrin kale oo khilaafka sii murjisay waxay tahay in Mukhtaar Roobow ka dalbaday Godane iyo Fu’aad Shonqole, in ay dagaalka ku soo daraan maleeshiyaad ay isku beel yihiin ama ka soo jeeda gobollada ay ka soo jeedaan, halka ay markii hore dagaalka ku laynayaan dhallin yaro ku heyb ah Roobow.

Dalabka Roobow, ka dib Godane iyo Shongole waxay bilaabeen in ay maleeshiyaad aan ku heyb ahayn ku ururiyaan deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe, arrintaasi oo noqotay hadal heynta dadka gobolkaasi, oo la yaabay marin habaabinta qaawan ee Godane iyo Shonqole mariin bideen.

Hadal uu masjid ka jeediyay, ayuu Mukhtaar Roobow si dadban ugu sheegay in waxa uu ugu yeeray Jihaadku uusan u joogsan doonin Godane dartiis, isagoo farriin ku socotay Alqaaciddana, ku sheegay in Shabaabku yihiin Carruurtii Usama Bin Laden, oo aan khilaaf ka dhex jirin, arrintaas oo uu uga dan lahaa in aan Godane Alqaacidda ka xigsan ugu yaraan muddada dhow.

Roobow ayaa hadda wada qorshe uu horay Godane uga laaday oo ah in Alshabaab la midowdo kooxda kale ee Xisbul Islaam ee uu hoggaamiyo Xasan Daahir Aweys .

Roobow iyo Xasan Daahir ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqaan Jabhad la yiraahdo Al- Islaamiya, taas oo macnaheedu yahay , in labada ninba ay ka tanaasuleen magacyada labadooda kooxood.

Godane oo dareensan khatarta soo fool leh, ayaa xagsanaya Ajaanibta iyo maleeshiyo isaga la dhacsan oo ku sugan Muqdisho, Shabellooyinka iyo Galgaduud.

Mukhtaar Roobow, ayaa la tilmaamayaa in uu cudud iyo taageero ka heysto Bay iyo Bakool, Jubbooyinka iyo gobolka Gedo.

La arki doonee halka uu sal dhigto , khilaafka Godane iyo Roobow oo ka gudbay heer hoos loo dhaqi karo.

Related Items


Leave a comment