Burtinle: Machadka SIITBA iyo waxbarasha uu ku soo siyadiyey Dagmada Burtinle

Monday November 22, 2010 - 20:49:40
1 Comments
1559
Super Admin
Machadka SIITBA iyo waxbarasha oo ku soo siyadiyey Dagmada Burtinle oo ay dadku si wanagsan ugu riyaaqeen
Machadka SIITBa oo loo soo gaabiyey Somali Institude of Information Technolagy and Business Administration ayaa xaruntiisa guud ku taal Magalada Garawe ee Xarunta Maamulka Puntland

Machadka oo ah machad horey u jiray lagana baran jiran Kulliyadaha IT-Computer , Business Adminka iyo waliba luuqadaha English ka ayaa waxaa uu ardayda siiyaa Shahaada Diploma da ka dibna uu la xiriirsiiyaa Jamacadaha Puntland sida Jamacatu Mogdisho iyo Bariga Afrika oo ayagu ka howl gala Puntland

Machadka ayaa sanadkii ugu dambeyey waxaa uu xarun ka furtay Magalada Burtinle oo ah Dagmo wayn hoosna tagta Gobolka Nugaal

Furashada Machadka ayaa waxaa ka dhaqeeyey Dhalinyaro iyo waxgarad deegaanka ah waxaana sababo looga dhigayey ardayda Jamacadaha oo waqtigu ku dheeraado halka kuwo kale uusan u saamaxay kharashka jamacada ee magaalo kale madama ay deegaan u yihiin Dagmada Burtinle

Machadka ayaa hada si wanagsan uga shaqeeya dagmada Burtinle laguna digtaa Luuqadaha Barasha Culuumta Computerka iyo Maamulka iyo Maaraynta ayada oo marka ardaygu dhamaysto mudooyinka ay gudoonsii doonaan Shahada Diplomada waxaana ay si toos ah ugu xiri doonaan Jamacada

Machadka ayaa waxaa uu qaatay markii la furayba arday tiro wanagsan kuwaas oo hada ay u dhowdahay Seminterkii koowaad halka ay kala yihiin waxbarashada ay bixinayaa waqtiyo kala gadisan sida ComputerScience oo ardaygi dhiganayo mudo 1Sano ah kuna helaya shaqaada halka ardayga Dhiganaya Maamulka iyo maarayta uu ku helayo 2 labo sano sidoo kale luqadaha ayaa waxaa ay kala lee yihiin mudo

Machadka ayaa shaqeeya laga bilaabo Salada subax ilaa habaynkii 9fiidnimo Saacada bariga Africa asaga oo ay dhigtaan waqti arday xiisad gaar ah oo ay u badan yihiin Luuqada Englishka

M C G Burtinle

Related Items

Comments


Leave a comment