R/Wasaaraha XFS Oo Jabuuti ku Daah-furay Shirka Sanadlaha ah Ee Machadka Heritage

Tuesday December 19, 2023 - 13:28:57
0 Comments
53
ahmed raajaa
MUQDISHO
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey martigelinta dowladda Jabuuti ee shirkan iyo Machadka Heritage oo soo qaban-qaabiyay, waxuuna sheegay in shirka muhiimad wayn ugu fadhiya bulshada ku nool geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa u rajeeyey doodaha shirka ee maalmaha soo socda in wax wayn oo bulshada geeska Afrika wax tara ka soo baxaan, isagoo ganacsatada Soomaaliyeed iyo reer Jabuuti ku ammaanay dhaqaale ku bixinta nabadda dadka Soomaaliyeed.

R/W ayaa munaasabadda furitaanka ku soo hadal qaaday dadaalkii madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu 24 sano ka hor u isaatagay ee dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo bogaadiyey doorka wanaagsan ee ciidanka Hiil walaal ee Jabuuti ku leeyihiin nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

Shirka ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqanka nabadda geeska taas oo saamayn u leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed

 Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment