Raisalwasaraha somalia oo ku baaqay in la joojiyo Dagaalada ka socda Mudug iyo Galgaduud

Tuesday November 23, 2010 - 19:59:47
0 Comments
1465
Super Admin
Raisalwasaraha somalia Maxamed C/laahi Maxamed ayaa baaq ka soo saaray in la joojiyo dagaalada ka socda Deegamada ay dagaladu ka jireen ee Mudug iyo Galgaduud oo dagaalo sababo kala duwan o dhacayey ka jiran
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu sheegay inay soo gaareen dagaalo beeleed ka dhacay deegaano ka mid ah dalka sida gobolka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo, sidaasi daraadeed wuxuu cadeeyay isagoo tixraacaya baaqyadiisii hore ee nabadeed in dagaaladaasi si deg deg ah loo joojiyo ayna iska xil saaraan Maamul goboleedyada, Oday dhaqameedyada, Culimada, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada inay sidii horeba ay caadada u lahaayeen kala dhex galaan dadkaasi walaalaha ah oo ay baajiyaan dhiiga macna darida u daadanaya.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada intii ku geeriyootay dagaaladaas waxaana intii dhaawacantay u rajeynayaa inuu Alle caafimaad siiyo” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu isagoo sheegay in dagaal inuu wiil ku dhinta ma ahane inaan wiil ku dhalan sidii horayba loo yiri.

Maanta marxaladda dalkeenu uu marayo waxaa loo baahan yahay nabad iyo midnimo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto si looga hortagto dhibaatooyinka dadka iyo dalka heysta oo ay ka mid tahay dagaalada ay hurinayaan mucaaridka.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay warar ka soo gaaraya gobolada dalka kuna saabsan abaaro xoogan oo ka jira ayuu u jeediyay shacbiga inay gacmaha is qabsadaan iskana kaashadaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatada abaaraha ee dadka iyo duunyaba saameysay wuxuuna Alle ka baryay inuu ka dul qaado dhibaatooyinkaas, isagoo beesha caalamkana u jeediyay baaq inay gacan ka siiyaan ummadda sidii ay uga gudbi laheyd abaartaasi.

Related Items


Leave a comment