Xisbiga Mucaradka oo shegay in hadii uu guulaysto kala baxayo cidamadisa Wadanka somalia

Thursday November 25, 2010 - 21:03:34
0 Comments
2257
Super Admin
Xisbiga Mucaradka oo shegay in hadii uu guulaysto kala baxayo ciidamadisa Wadanka somalia kuwaas oo u jooga sababo Amaan sugin ciidanka oo ah kuwa Amison

Xisbiga mucaaradka ee dalka Uganda ayaa sheegay inuu ka saarayo ciidamada Uganda, ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, gudaha Soomaaliya hadii doorashada uu ku guuleysto.

Dalka Uganda ayaa ka dhici doonta doorashada madaxtinimo ee dalkaasi sanadka soo socda horaantiisa.

Haweeneyda hogaamisa xisbiga mucaaradka ee dalka Uganda ayaa waxaa ay sheegtay inay ka shaqeyn doonto ka daad gureenta ciidamada Uganda gudaha Soomaaliya.

"Meel ma fariisan karo mana daawan karo Al-Shabaab oo askarteena ku dileysa wadan shisheeye," ayay ku sii dartay hadalkeeda.

Hadii uu guuleysto xisbiga mucaaradka ayaa waxaa ay sheegtay inuu ka shaqeyn doono xisbigeeda in lagu sameeyo isbedel ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya iyo guud ahaan ciidamada dalkaasi.

Waxaa ay qirtay in aysan laheyn wax faa'ido ah in lagu dilo ciidamada Uganda gudaha Soomaaliya, sidaasi darteedna uu u qorsheysan yahay xisbigeeda inuu ka saaro ciidamada dalkaasi gudaha Soomaaliya.

Xisbi kale oo isaguna mucaarad ah gudaha dalka Uganda ayaa horey wuxuu u sheegay -hadii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimo - inuu ku sii heyn doono ciidamada Uganda gudaha Soomaaliya.

Xisbigaasi ayaa wuxuu sheegay inuu taageero dheeraad ah ka dalbanayo beesha caalamka iyo ciidamo dheeraad ah in lagu soo kordhiyo howlgalka

Related Items


Leave a comment