Tarsan “ Cabdi Kaafi waa u gaar eedeynta hay’adaha gargaarka”

Friday November 26, 2010 - 19:45:05
0 Comments
2384
Super Admin
Muqdisho: Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta raali galinka bixiyay eedeyn shalay hay’adaha samafalka uu u jeediyay Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay eedeyn shalay xubin ka mid ah Maamulkiisa uu u jeediyay Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in uu raali galin ka bixinayo eedeymo shalay hay’adaha samafalka uu u jeediyay Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle taasi oo ku aadeneyd in hay’adaha safamalku ay gargaarka u weeciyaal Xarakada Al Shabaab.

Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay Mr. Tarsan in la eedeeyo hay’ado uu sheegay in howlo badan oo dhinaca bini’aadanimada u haya shacabka barakacayaasha ah eek u dhibaateysan gudaha iyo daafaha Magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in eedeynta xoghayaha guud ee gobolka Banaadir ay tahay mid isaga ku kooban oo uusan la qabin Maamulka guud ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu carabka ku dhiftay in loobaahanyahay isxtiraamka hay’adaha samafalka hadiisa dacwad loo qabo loo gudbiyo masuuliyiinta hay’adahaasi balse aan loo baahnayn in Idaacadaha laga dacaayadeeyo.

Raaligalintaani oo u muuqata jawaab kulul oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ka bixinayo hadalkii shalay ka soo baxay xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle ayaa ku soo aadeysa xili Maalintii shalay masuulkaasi ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo ku eedeeyay hay’adaha samafalka inay gargaarka siiyaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

wariye M A G

Related Items


Leave a comment