USA: Ciidamada Sirdoonka Maraykana oo qabtay wiil somali American u ku eedaysan falal argagixiso in uu ka sameyo goobo lagu cibadaysto dalka maraykanka

Saturday November 27, 2010 - 19:09:49
0 Comments
1488
Super Admin
USA: Ciidamada Sirdoonka Maraykana oo qabtay wiil somali American u ku eedaysan falal argagixiso in uu ka sameyo goobo lagu cibadaysto dalka maraykanka ka hor intii aysan ciidamada FBI maraykanku aysan fashilin arinkaas oo ay sheegeen in uu doonayey wiilkas shalin yarada in uu waxyeelo ka gaysto Wadanka Maraykanka
Saraakiisha FBI-da ayaa intaa ku daray in ninkan ay gacanta ku dhigeen. uuna yahay qof Soomaali ah oo heysta dhalashada dalka Maraykanka kaasoo magaciisa la yiraahdo Max’ed Cismaan Maxamuud waxayna intaa ku dareen in ninkan uu damacsanaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey inuu ku qarxiyo goob ay ku cibaadeystaan dadka masiixiyiinta ah oo ku taala magaalo lagu magacaabo Portland.

Waxay intaa ku dareen saraakiisha in ninkaasi Soomaaliga ah ay muddo dheer dabagal ku hayeen, isla markaana ay baaritaan adag marin doonaan ka dibna maxkamad soo taagi doonaaan

Max’ed Cismaan Maxamuud waa nin Soomaali Maraykan ah oo ku noolaa gudaha dalkaasi muddo aad u dheer, waxaana xarigiisa uu ku soo beegmayaa xili dhalinyaro badan oo Soomaali Amerikan ah ay soo galeen dalka Somalia iyagoo ka barbar dagaalama Xarakada Al Shabaab kuwaasoo qaarkood lagu dilay dagaalka kuwo kalena ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda wadanka somaliya ee ay halaaga dagaal ka soconayey mudada dheer



Related Items


Leave a comment