Burtinle: Odayal dhaqameed nabadayn u aaday Deegaanka Maygaagle oo xoriyadoodi la xayuubay

Monday November 29, 2010 - 20:58:07
1 Comments
1273
Super Admin
Odayaal isugu jira Isimo Nabadoono Samadoono iyo Culuma udiin ayaa maalmihii na soo dhaafay u gaaray deegaan Maygaagle oo ay ka taliyaal Ismaamulka somalida Ethiopia in nabad ka soo dhaliyaan xaaladaha ka jira deegaanka dibna ay xoriyadooda ugu soo celiyaal dhalin yaro iyo xoolo halkaas ay ku xireen Maamulka somalida Ethiopia
Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka gaaray ayaa waxaa ay la kulmeen madaxdii sarsare ee daagaanka waxaa ayna u sheegeen in ay doonayaa in ay dib u siiyaa xoriyadii dadka u xir xiran iyo Xoolo waxaase aan lagu guulaysan in la helo xoriyadaas

Maamulka ayaa jawaab ku bixiyey in ay bixiyaal odaayshu Lacag ganaax ah oo lagu siidaayo dhalinta ayaga oo wada hadal ka dib maamulku sheegay in ay tahay waajib in lacagtaas la bixiyo

Hadal dheer ka dib waxaa maamulku sheegay in aysan odayaashu ahay xor laga bilaabo waqtigaal in lacagtaas la keeno ma ahane ayada oo ay awal ahayd xaaladu dhalinyarada kaliya

Sidaa darteed waxaa hada ku xayiran Deegaanka Maygaagle Odaal iyo waxgarad kuwaas oo ay ciidamo ku waardiyeynayaan deegaankaas kana bixi karin ilaa amar dambe

MCG-Burtinletimes.com

Related Items

Comments


Leave a comment