USA: maxkamad ku taal maraykank oo 30 sano ku xukuntay Burcad badeed somalia

Tuesday November 30, 2010 - 18:04:07
0 Comments
976
Super Admin
Dhalinyaro somaliya ayaa lagu radiay 30sano oo xariga ah ka dib markii maxkamad ku taal dalka maraykanka ay ku xukuntay nimanka dhalin yaradaa ayaa lugu eedeeyey in ay 5 ka mid ah inay weerareen markan laga lee yahay wadanka maraykanka ayaga oo malohoodu ahaa in uu yahay markab ganacsi

Nin la xukumay oo lagu magacaabo Jaamac Iidle Ibraahim ayaa laga soo qabtay xeebaha ku dhow Soomaalya 2008 ka dib markii isaga iyo 5 kale ay weerar ku qaadeen markab ciidan oo Mareykanku leeyahay iyagoo u maleeyey markab ganacsi.

Sidoo kale waxaa Jaamac loo heystaa inay weerareen markab kale oo laga leeyahay Denmark.

Jaamac iyo shanta kale ee lala soo qabtay aya sida maxkamadu sheegtay waxay qirteen in ay weerareen maraakiibtaasi xilli ay ahaayeen burcad badeed.

Maxkamada ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horeysay oo kiis burcad badeednimo lagu qaado maxkamadaha dalka Mareykanka mudo 150 sano ah.

Dhegeysi kale oo la xiriira kiiskan ayaa lagu wadaa in maxkamada ay dhegeysato bisha March ee sanadka soo socda.

Waa markii ugu horeysay oo rag Soomaali ah laguna eedeynayo burcad badeednimo lagu xukumo wadanka Mareykanka iyadoo xukun 30 sano dhan lagu riday

Related Items


Leave a comment