Cadaado: Kooxo hubaysay oo dad xolo dhaqata ku xasuuqay Cadaada

Wednesday December 01, 2010 - 09:20:47
0 Comments
1284
Super Admin
Koox dablay ah oo la sheegey inay ka soo jeedaan Galmudug ayaa la sheegey inay xasuuq shalay ka geysteen duleedka magaalada cadaado.
Kooxdan ayaa la sheegey inay dulaankooda ka soo qaadeen degmada Gelinsoor,waxaana ay dileen sida la sheegey in ka badan 5 ruux oo xoolo dhaqato ah.

Oday ka mid ah dada degaanka oo saxafada la hadlay ayaa sheegey inay kooxdaasi weerar gaadmo ah ku soo qaadeen dad reer guura ah,waxaana uu shaaciyey inay qoorta ka jareen in ka badan 5 ruux.

waxaa Oday dhaqameedkaasi sheegey in kooxdaasi ay dileen dad ay caruur ku jirto,waxaana uu sheegey in dadka la dilay ay ku jiraan ilmo yar oo jira 7 bilood.

arrintaasi ayaa ka careysiisey dad badan oo ku dhaqan gobolka galgaduud,waxaana ay ku tilmaameen in arrintaasi tahay mid foolxun oo ka fog dhaqanka soomaalida.

Degaanka xasuuqu ka dhacay ayaa la sheegey inuu saaka xasiloon yahay in kastoo laga cabsi qabo inuu mar kale degaankaasi ka dhacaan falal noocan oo kale ahi.

Related Items


Leave a comment