Mogdisho: Shirkada ISgaarsiinta Hormuud oo u wareegtay Ceelasha Biyaha

Wednesday December 01, 2010 - 16:47:12
0 Comments
2489
Super Admin
Shirkada ISgaarsiinta Hormuud oo u wareegtay Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayada oo xafiis yadii inta badan ka dhigtay Ceelasha Biyaha
Xarunta ugu weyn shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku taalla Isgoyska Howlwadaag ee afka hore Suuqa Bakaaraha ayaa gebi ahaanba qalabkii yiilay laga raray, waxaana howlgal lagu daabulayo qalabka shirkadaasi lasoo gabagabeeyay maalinimadii doraad ahayd, iyadoo loo raray xarun cusub oo shirkaddu ku yeelatay degaanka Ceelasha Biyaha, gaar ahaan xaafadda Dooraale halkaasi oo la sheegay inay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ka iibsatay dhul aad u baaxad weyn.

Sarkaal ka tirsan shirkadda shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo aan wax ka weydiinay sababta xilligan ku soo beegtay inay ka guuraan xaruntoodii weyneyd oo ku tiilay goob istiraatiiji ah ayaa sheegay inay tallaabadani ay ku khasbanaadeen laba sababood dartood oo uu sheegay in midda ugu weyn ay tahay madaafiicda iyo duqeymaha ka imaanaya dhinaca ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, oo uu sheegay inay waxyeello uga timaado had iyo goor.

Waxaa kale oo uu sarkaalkani sheegay in sababta labaad ee xilligan ku kaliftay inay ka guuraan xaruntoodii weyn ee ku tiilay Isgoyska Howlwadaag kana koobneyd lixda dabaq waxa uu tilmaamay inay u adkeysan waayeen isla markaasina uu ka dhammaaday dulqaadkii ay u lahaayeen amarrada, hanjabadaaha, cabsi gelinta iyo caga jugleynta uga imaaneysa maleeshiyada iyo horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab, taasi oo uu sheegay in qalabka shirkadda 80% laga raray xaruntii hore.

Marka loo eego xarunta cusub ee ay degtay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ay ka taliyaan ururka Xisbul Islaam isla markaasina aanay wax awood ah ku lahayn kooxda Al-shabaab oo horay u soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso isticmaalka adeegga ZAAD Service oo macaamiisha shirkaddaasi ay lagaha ku kala xawishaan.

Dhinaca kale amarka Al-Shabaab ku mamnuucday adeegga ZAAD ee shirkadda isgaarsinta Hormuud ayaa mudadii saddexda bilood ahayd ee ay u qabteen waxaa ka haray hal bil oo kaliya, hase yeeshee warar hoose ayaa sheegaya in madax ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo saraakiisha ururka Al-Shabaab ay u socdaan kulamo labadii bilood ee la soo dhaafay, inkasta oo kulamadaasi aanay wax natiijo ah ka soo bixin.

Related Items


Leave a comment