Hay'adda Hormuud Salaam Foundation Oo Lacag Ugu Deeqday Dadka Ay Sameeyeen Fatahaadaha

Tuesday December 05, 2023 - 15:21:26
0 Comments
90
ahmed raajaa
MUQDISHO
Hay'adda samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa hal milyan ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay Gobollada Dalka.

Deeqdan gar-gaarka ayaa ah mid ballaaran oo ay bixisay hay'ad waddani ah. Iyadoo horey Hormuud Salaam Foundation ay gacanta uga geysteen abaarihii dalka ka dhacay.

Shir jaraa’id oo uu qabtay guddoomiyaha hay'adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusmaan, ayaa Tilmaamay inay salaam Bank iyo Hormuud dhibaatada la qeyb sanayaan dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in si deg-deg ah lacagtaas u gaarsiin doonaan dadka ay saameeyeen fatahaadaha, isagoo sheegay inay la socon doonaan marxaladaha ay ku sugan yihiin dadkaas.

Lacagtaan ay bixisay  hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa kusoo beegantay, xilli in ka badan hal milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha ka dhashay roobabka Dayrta.

Meeraysane.com 











Related Items


Leave a comment