Wasiirka Howlaha Guud Ee XFS Oo Faray Shirkadaha ka shaqeeya inay Kor u Qaadaan Tayada

Wednesday December 27, 2023 - 13:29:45
0 Comments
70
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir ayaa ka qayb galay xuska sannad-guurada tobnaad ee shirkadda dhismaha ee (Hadiid).

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasibadaasi ayaa waxa uu yiri "Shirkadaha dalka waxaanu ku taageeraynaa dedaalka ay ugu jiraan inay dalka horumariyaan, taa beddelkeedana waa inay ilaaliyaan shuruucda dalka u degsan”.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda ay si dhow ula socon doonto dhamaan shirkadaha dhismaha, si loo hubiyo inay buuxiyaan shuruudaha tayada la xiriira.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in Soomaalida ay yihiin dad si hufan u guta mas’uuliyadaha dusha ka saaran, taasi oo si cad u muuqatay 30-kii sano ee burburka, maadaama ay ka qeyb qaateen dhisidda dalalka ay u soo hayaameen.


Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment