War deg deg ah warsame yuusuf yeey oo gaalkacyo lagu diley goor dhaweyd

Wednesday December 01, 2010 - 20:25:35
0 Comments
874
Super Admin
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN

Waxaa goor dhaweyd lagu diley magaalada gaalkacyo allaha unaxariistee warsame yuusuf yeey oo xilal kala gadisan kasoo Qabtey booliska gobolka mudug ee puntland

Marxuumka ayaa kasoo baxey salaadii cisho oo uu ku tukanayey masaajidka towba allaha unaxariistee waxaa ladiley isagoo Irida masaajidka aan dhaafin

Nin dhalinyaro ah oo kusugayey banaanka ayaa ku boobay marxuumka bastoolad xili uu kabaha gashanayey isagoo isla markiiba ka baxsadey goobta

Arintaan ayaa naxdin iyo anfariir galisey dadkii masaajidka kutukanayey

Ma'ahan markii koowaad ee dabley hubeysan oo aan la aqoonsani uu dilo dadka magaca ku leh bulshada se tani waxey kamid noqoneysaa dilal badan oo is xig xigey oo kadhacey gaalkacyo

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment