Muqdisho: Raisalwasare Farmajo oo booqday goobo ay dowladu la waregtay Dagaladii u dambeyey

Friday December 03, 2010 - 19:03:21
0 Comments
1836
Super Admin
Raisalware Maxamed Cabdilahi Farmajo ayaa booqasho ku tagay Goobihii maalmihii u dambeyey ay isku farasaare Dolwada iyo garabkeda Amison oo isku dhan ah iyo Mucaradka boobahaas o ay dowladu gacanta ku dhigtay

Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxameed Farmaajo R/wsaaraaha Xukuumadda Federaalka KMG-ka Soomaaliya ayaa waxa uu kormeer howled kusoio kala bixiyay Goobo faro badan oo ay Ciidamada qalabka sida maalintii shalay ka saareen maleeshiyaadka Kooxda Shabab,waxaana goobaha uu R/wasaaraha soo kormeeray kamid ah: Dhismaha Gurigii maxamed baare,iyo Dhismaha gurigii uu lahaa Khaalli Gacameey iyo Xarumo kale oo ka tirsan Degmada Boondheere ee Gobolakni Banaadir.

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo Saxaafadda kula hadlay aaagga hore ee dagaalka ayaa ku amaanay Ciidamada Dowladda Dadaalka Geesinimada leh oo ay sameeyeen,isagoo ugu hambalyeeyay Guusha ay gaareen.

R/wasaaraha ayaa ujeedada kormeerkiisa ku sheegay inay tahay sidii uu usoo arki lahaa Goobaha ay gacanta ku dhigeen Ciidamada qalabka sida islamarkaasna ay ka saareen Maleeshiyaadka kooxaha Nabad diidka ah.

R/wasaare farmaajo ayaa sheegay in 43=maleeshiyo laga dilaya Kooxaha cadowga ah ee Weerarka soo qaaday islamarkaasna uu dhaawacoodu yahay mid aan cadad laheyn,waxa r/wasaaruhu intasai ku daray in Ciidamada Dowe;ladu ay ka dhaawacmeen 2-askari oo kaliya hase yeeshee aysan jirin wax dhimasho ah oo soo gaaray Askarta Ciidanka Qalabka sida..

Mudane Maxamed cabdullaahi Maxamed farmaajo R/wsaaraha Soomalaiya ayaa shaac aka qaaday in Maleeshiyaadkii soo duulay ay ku jabeen dagaalka islamarkaasna ay ku jabi doonaan,waxa uuna xusay in Ciidamada Dowladdu aysan dib usoo laaban doonin illaa ay ka ceyriyaan Maleeshiyaadka Kooxaha nabad diidka ah.

R/wasaaraha ayaa tilmaamay in Alshabab ay yihiin Gumeysi doonaya in dalka uu ku jiro dagaal oo keliya hase yeeshee waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowladu ay dooneyso nabad,waxa uu R/wasaare farmaajo farta ku fiiqay in dhowr jeer ay ergo nabadeed iyo baaqyo nabadeed ay u direen maleeshiyaadka Kooxaha dagaalada wada haseyeeshee ay ka dhego adeegeen.

r/wasaaraha Soomalaiya ayaa sheegay in xilligaan kadib loo soo jeesto sidii loo dhisi lahaa dalka maadaama 20-kii Sano ee lasoo dhaafay ay dhiobaatooyin ka jiren gudaha dalka.

Goobaha uu soo kormeeray R/wasaaraha ayaa waxaa ka muqday Burbur xooggan oo ay gaarsiiyeen Dagaalladii ugu dambeeyay oo Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaadka Kooxaha nabad diidka ah ku dhexmaray Degmada Boondheere ee Gobolka banaadir.

Waxa uu R/wasaaruhu kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida oo u taagan difaaca Diinta, dalka iyo dadka iyo sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Boondheere Cabdullahai Xersi wardheere Istakiin,isagoo kula dardaarmay inay sii dardar geliyaan sidii meesha looga saari lahaa kooxaha mayalka adag iyo ajaaniibtooda kusoo duushay dalka.

Related Items


Leave a comment