Wafdi Ka Socda Haya'adda WHO Oo Booqday Xarunta SODMA Ee Muqdisho

Wednesday November 29, 2023 - 14:24:57
0 Comments
136
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wafdi ka socda Hey’adda Cafimaadka Aduunka ee WHO ayna horkacayso Madaxa xiriirka Cafimaadka Ms. Erna ayaa maanta booqasho ku timid xarunta dhexe ee SoDMA.

Wafdigaan waxaa xarunta dhexe ee SoDMA ku soo dhaweeyey La taliyaha sare ee ka Jawaabista xaaladaha deg-dega ah iyo Masuuliyiin katirsan Hey’adda SoDMA.

Iyadoo kulankaan inta uu socday looga hadlay sidii loo hormarin lahaa xogaha kala duwan iyo qasaaraha ka dhashay meelo badan oo dalka ka mid ah,

Waxaana la isla garty in si joogta ah loo wadaago xogaha dadka ay saameyeen fatahaadaha iyo daadadka isla markaana la is kaashado sidii wax qabad mideysan loo gaarsiin lahaa dadkaas fatahaadaha iyo daadadka ElNiño wax yeleyeen.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment