Mogdisho: Wasarada maliyada DFKM oo soo bandhigtay Miisaniyada Sanadka soo socda

Friday December 03, 2010 - 19:10:06
0 Comments
986
Super Admin
Wasarada maliyada DFKM oo soo bandhigtay Miisaniyada Sanadka soo socda Wasaaradda maaliyadda ayaa golaha wasiiradda hordhigtay Miisaaniyadda cusub oo gareysa ku dhawaad boqol Milyan oo Doollar, waxayna ku ogolaadeen cod loo dhan yahay, ayagoo sidoo kale ogoladay sharciga dhaqangelinteeda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaradda Maaliyadda.

Miisaaniyadda isu-geynteeda ayaa ah $98,568,900 oo Dollar, waxaana isku soo dubariday koox khubaro ah oo ka kala tirsan hay’adaha Maamulka Maaliyadda dalka, iyagoo ay horsed u tahay wasaaradda Maaliyadda. Waxaa kaloo diyaarinta Miisaaniyadda Door Weyn ka qaatay HESPI oo gacan weyn ka siineysa wasaaradda Maaliyadda si kartida Hay’adaha Lacagaha dalka kor loo qaado.

Miisaaniyadda iyo sharciga dhaqan gelinteeda oo shalay la ogolaaday waxaa la horgeyn doonaa Golaha Shacabka oo isagu leh awoodda ansixinta Miisaaniyadda iyo sharciga hirgalinteedaba.

Saadaasha Miisaaniyadda waxay ku saleysan tahay qiyaasta in ku dhow 30% in ay ka imaaneyso udaha halka inta kale ay tahay Taageerada Caalamka.

Dakhliga Gudaha ayaa ah $29,908,900, halka dhaqaalaha dibadda ka imaanaya lagu sheegay $68,660,000, waxaana miisaaniyaddan lagu bixin doonaa Arrimaha Bulshada, hay.adaha nabad gelyada iyo kaabayaasha Dhaqaalaha.

Wasaaradda maaliyadda ayaa waxay rajeyneysaa in dhaqse Baarlamaanku u ansixiyo miisaaniyadda si loo dhaqan geliyo 01.01.2011 oo bishaan socoto oo kaliya ay ka dhiman tahay.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in Dowladdu dhawaan soo saari doonto lacag cusub oo bedeleysa lacagta Shilin Soomaaliga ah, wuxuuna tilmaamay in isaga iyo guddoomiyaha Bangiga dhexe ay aadi doonaan Dalka Suudaan si ay u sii xoojiyaan qorshe ay Suudaan Soomaaliya uga caawineyso sidii ay u sameysan laheyd Lacagtaasi cusub oo lagu bedelayo midda hadda shaqeysa.

Related Items


Leave a comment