Bosaso: Mr Antonio Guterres. Madaxa UNHCR oo soo garay Bosaso

Friday December 03, 2010 - 19:15:34
0 Comments
967
Super Admin
Waxaan Magalda Bosaso ee xarunta Ganacsiga Guud Puntland soo gaaray Mr Antonio Guterres. oo ah madaxa Jamciyada Qumaha ka dhexeaysa U qaabilsan Qaxootiga ee Hayada UNHCR

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magalada Boosaso Ku Soo Dhaweyay Masuuliyiin Ka Tirsan dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire.

Mr Gurerres Ayaa waxaa uu Xarunta Madaxtooyada Magalada Boosaso Kulan Kula Qaatay madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Iyadoona Gundhiga Wadahadalkooda uu Ahaa sida Wararka Sheegayaa Arimaha Qaxootiga Ku Jira Xeryaha Puntland.

Socdaalkani Ayaa waxaa uu Yahay Kii Ugu Horeyay Ee masuulkani ku Yimaado Puntland Isla Markaasina ku darso Xaaladaha Dhabta ah Ee Ka Jira Xeryaha Barakacyaasha Ee Puntland.

Wararka Kale ee La Helayo Ayaa sheegaya In Maalinta Bari Ah Uu Booqan doono Xeryo Kala duwan oo ku Yaala Boosaso Kuwaasi Oo Ay Ku Xareysan Yihiin Barakacayal.

Related Items


Leave a comment