Wasiirka Caddaaladda XFS oo qaabilay madaxa hey'adda TIKA ee Soomaaliya

Saturday January 27, 2024 - 21:22:01
0 Comments
58
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Macallin Maxamuud ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda Hey’adda TIKA ee Turkiga.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sagootin loo sameynayay madaxii hore ee Hey’adda TIKA Mudane İlhami TURUS iyo soo dhaweynta madaxa cusub ee hey’adda TIKA Mudane Zafer EŞKİ.

Wasiirka ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ay hey’adda TIKA ka heyso dalka, waxaa uu sidoo kale uga mahadceliyay dadaalka hagar la’aaneed ee ka geysato Hey’adda TIKA arrimaha dib u dhiska dalka iyo taageerada hey’adaha caddaaladda iyo asluubta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ka faalooday xiriirka iyo iskaashiga 12 sano ka hor soo bilowday ee miro dhalay, isagoo qeyb ka ahaa dib u soo nooleynta xiriirka labada dal. 

Related Items


Leave a comment