Galkacyo: Waftiga ka socda Xukumad ee Xalinta Colaalada Mudug oo war bixino siiyey warbahinta

Friday December 10, 2010 - 10:09:55
0 Comments
1605
Super Admin
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si faahfaahsan uga waramay safarka uu ku yimid magaalada Gaalkacyo

Wasiirka ayaa sheegay in wafdi uu horkacayo oo ka socda maamulka Puntland ay soo gaareen magaalada Gaalkacyo laba maalmood ka hor, isagoo intaa ku daray in ujeedada safarkoodu salka ku hayo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabadeynta laga dhex bilaabayo beelo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo ku dirirsan dhulka miyiga ah ee gobolka Mudug oo ay maamusho Puntland.

Mudane Cali Xoosh waxaa uu sheegay in wafdigiisa uu xubin ka yahay Wasiirka Deegaanka iyo Duurjoogta, Daaqa iyo Dalxiiskaee Puntland Mudane C/qani Yuusuf Cadde iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Lataliyaha Madaxweynaha Puntland ee dhinaca amaanka Gen, C/laahi Cali Mire (Careys), kuwaasi oo joogi doona magaalada Gaalkacyo tan iyo inta xal looga helayo colaada ka jirta miyiga gobolka Mudug.

Wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha Puntland Mudane Cali Xoosh waxaa uu sheegay in ay maalintii shalay ahayd ay la kulmeen wafdi ka socda dawladda FKMG Soomaaliya kuwaasi oo soo gaarey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

“Wafdiga uu horkacayo Ra’isulwasaare xigeenka Xukuumada FKMG Soomaaliya waan is aragney, waana sheekeysanay, waxaana haddii Alle yiraahdo aanu ka wada shaqeyn doonaa sidii loo dhameyn lahaa colaad beeleedka ka jira miyiga gobolka Mudug.” ayuu yiri Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh).

Ugu Wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha Puntland Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa sheegay in deegaanada lagu dagaalamay ay tahay dhulka ay maamusho Puntland, hase ahaatee arimahaasi oo dhan iyo dhex dhexaadinta beelahaasi ay kala hadli doonaan dhinacyada loo soo xilsaarey nabad ku soo dabaalista colaada ka jirta miyiga gobolka Mudug.

Tix :rb

Related Items


Leave a comment