Mr Asaanji Aasaasaha webka warbaahinta hadal hayso waa nin cayn kee ah

Friday December 10, 2010 - 17:11:47
0 Comments
1014
Super Admin
Aas aasaha webka Wikileaks ee caalamka oo dhan laga aqoonsaday hadana xabsiga ku jira wa nin taariikh caynkee ah leh akhri
Waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay ilaa maanta warbaahinada caalamku wax ka qorayaan ama ay tabiyaan warar si qarsoodi ah lagu helay kuwaasi oo laga soo xiganayo website lagu magacaabo Wikileaks.org.

Inkastoo xukuumadda Britain ay gacanta ku dhigtay aasaasihii website-kaas haddana weli waxaa isa soo taraya macluumaadka uu soo daabacayo Page-kaas.

Julian Asaanjy waa aasaasihii website-kaas ku caanbaxay bandhigida xog ay adag tahay in si fudud loo helo.

Mr Asaanji wuxuu ku dhashay deegaanka lagu magacaabo Townsville Beacons land oo ku taal woqooyiga dalka Australia sanadii 1971.

Labada waalid ee Mr Asaanji ayaa ahaa kuwa maamula Tiyaatar guur guura,taasi oo kadhigtay Asaanji in uu noqdo nin socdaal badan.

Dadka aqoonta u leh Mr Asaanji ayaa ku tilmaamay in uu yahay nin maskax badan islamarkaana aqoon dheeraad u leh dhexjabaaxidda technology —ada casriga gaar ahaan Computer-da.

Mid kamid ah weriyayaasha majalada lagu magacaabo New Yorker ayaa sheegay in laga yaabo in Mr Asanji dhowr maalmood uusan cunto cunin isagoo waqtigiisa ku qaato baaritaan uu sameenayo.

Mr Asaanji ayaa muddo saddex sano ah la shaqeeyey Akaadimiyada Swilled divorce isagoo u qaabilsanaa dhanka baaritaanada internet , wuxuuna diyaariyey buugaag caalamka ka noqday kuwa loogu iibsiga badan yahay.

Akaadimiyadda ayaa ku tilmaamtay Mr Asaanji in uu yahay baare maskax badan islamarkaana yaqaan shuruucda gudaha iyo tan dibadda.

Sanaddii 1995 nin ay saaxiibo ahaayeen ayaa ku eedeeyey Mr Asaanji in uu yahay buracad dhanka elektorooniga ah, balse baaritaan markii lagu sameeyey waa uu qirtay danbigaas wuxuuna bixiyey madax furasho.

Sanaddii 2006 Mr Asaanji iyo koox ay isku fakir yihiin waxa ay aasaaseen website-ka wikileaks kaasi oo maanta warbaahinta ay kamid tahayBurtinletims ay si aad ah warbixinada uu soo daabaco loo hadal hayo.

Related Items


Leave a comment