Puntland: Wasiirka Aminga Yuusuf Axmed Khayr oo ka war bixiyey Howl galadii Bosaso ee Maalmihii ugu dambeyey

Saturday December 11, 2010 - 10:41:50
0 Comments
1723
Super Admin
Wasiirka Aminga Yuusuf Axmed Khayr ayaa ka warbixiyay howlgalo ciidamada Puntland ay ka wadeen Xaafado ka mid ah magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Guud ee Puntland howgaladaas oo ay ciidama ku baadi goobayeen dadka falalka amaan dari soo noqnoqda ka gaysta Magalada Bosaso
Iyadoo Maalmihii u dambaysay magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ay ka socdeen xaafadaha ay ka koobantahay howlgalo ay wadeen ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugidda ee Maamul goboleedka Puntland kaasi oo ay ku baadi goobayaan kooxaha falalka amaan dari ka gaysta gudaha magaaladaasi ayaa hadana howlgaladasi waxaa ka hadlay Wasiirka wasaaradda amniga ee Maamulka Puntland Yuusuf Axmed Kheyr.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka ay ku guulaysteen in ay gacanta kusoo dhigaan kooxo lala xiriirinayo inay falal amaan dari ah ka wadeen gudaha magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari, waxaana uu tilmaamay in badan kooda ay ku jiraan xabsi magaalada Boosaaso, isagoo sheegay in dadkaasi qaar kood lasii daayay kadib markii lagu waayay wax dambi ah.

Dhinaca kale wasiirka amniga ee Maamulka Puntland Yuusuf Axmed Kheyr ayaa waxaa uu ku eedeeyay falalka amaan dari e ka dhacaya gudaha magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari in ay ka dambeeyaan dad uu sheegay in ay xiriir la leeyihiin wadaad diimeedka ka dagaalama Buuraha Galgala ee Sheekh Max’ed Saciid Attam islamarkaana waxaa uu sheegay in ay ku raad joogaan dadkaasi.

Hadlkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaraadda Amniga ee Maamulka goboleedka Puntland Yuusuf Axmed Kheyr ayaa kusoo beegmaya xili magaalada Boosaaso maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen howlgalo xoogan oo lagu sugayo amaanka kadib markii ay kusoo kordheen qaraxyo loo gaysanayo Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland iyo dilal qorshaysan oo loogaysanayo Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland kuwooda ku sugan magaalada Boosaaso.

Related Items


Leave a comment