Mogdisho: Xildhiban furxan oo ka jawabay Xirashadii Dekada mogdisho

Tuesday December 14, 2010 - 10:39:47
0 Comments
1417
Super Admin
Xildhiban Maxamed jamac Furux oo meleshiya ka amar qaadata shalay xirtay Dekeda wayn ee magalada mogdisho ayaa sheegay in uu og yahay howl galad Meleyshidisu hayso sheegayna in ay wadayaan ilaa wax laga badalo maamulka hada gacanta ku haya dakada oo uu ku eediyey wax is dabadrin Musuqmaasul joogta ah sido kalena ku eedeeyey in ay yihiin Beel gaar ah asaga oo war baahinta la hadleyey waxa uu yiri
"Dhaqaalaha dekeda ka yimaada wuxuu gacanta u galaa koox musuqmaasuq ah, meeshana waxaa maamula waa niman musuqmaasuq mana ka hareyno illaa aan ka qaadno meesha oo dadkii xaqa u laghaa dib ugu celino”, ayuu yiri Furux oo hadal kooban siiyey warbaahinta qaar

Mar aan weydiinay in ujeedkiisu tahay in lacago laga siiyo dekeda oo uu sidaas u weeraray dekeda ayaa waxaa xildhibaan Furux uu ku jawaabay inuusan lacag rabin balse uu diidan yahay wax uu ugu yeeray ‘sharci darrada ka jirta dekeda’.

Xildhibaan Furux ayaa sheegay in dekeda, garoonka iyo gobolka ay haystaan qabiilka madaxweyne Sheekh Shariif markii cabasho ay u gudbiyeena uu diiday sida uu yiri.

“Hal qabiil baa ummada todobo sano dul dhooban tahay, sidaas ma xaqbaa, aduunka waxaan u sheegeynaa in hal qabiil xoog ku heysto dekeda ayna qaataan dhaqalaha”, ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Masuuliyiinta DKMG ayaa tan iyo shalay waday dadaalo lagu qancinayo hogaamiye kooxeedka Maxamed Jaamac Furux oo shalay duhurki weerar ku qaaday dekeda weyn ee Muqdisho, halkaasoo ah isha ugu weyn ee DKMG ka hesho canshuuraha soo gala.

Waxayna arintan shalay hakad galisay dhaqdhaqaaqii dekeda, iyadoo xilligaasi maraakiib ay taagnaayeen gudaha dekeda.

Dhawaan ayaa DKMG maamul cusub u magacawday dekeda weyn ee Muqdisho kaasoo isaguna isbedelo ku sameeyey qaabka shaqada dekeda. Maamulka dekeda iyo wasaarada dekedaha ayaan intuba ka hadlin arintan.

Axmed Shiikh Saciid

Mogdisho

Related Items


Leave a comment