Nairobi: Sanad guuradii 50aad xiriirka Diblamaansimo ee wadanada Somalia iyo China oo ka dhacday Kenya

Tuesday December 14, 2010 - 19:22:37
0 Comments
1784
Super Admin
Sanad guuradii 50aad xiriirka Diblamaansimo ee wadanada Somalia iyo China aya ka dhacay xarunta Safarada China ee dalka Kenya Xaflada sanad guurada oo ay ka qayb galeen Madax sar sare oo ka kala socota Labada Wadan ee SOMALIA iyo CHINA

Munaasabadda oo ay hadalla ka jeediyeen labada safiir ayey si koo kooban uga hadleen taariikhda xiriirka labada dal, waxa ayna si isku mid ah hoosta uga xariiqeen sida loogu baahanyahay in xiriirkaas la joogteeyo, labada dalna ay iska kaashadaan dhanka dublamaasiyadda.

Safiirka shiinaha Soomaaliya u fadhiya oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay dib u dhisidda Soomaaliya, xilli walba oo ay ka codsato dowladda Soomaaliya, ayna gacan muuqata ka geysanayaan dadaallada dib loogu dajinayo dalka, iyaga oo taageero dhinacya badan siinaya dowladda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nur Ameeriko oo isna la hadlayay Radio Muqdisho ayaa dowladda shiinaha ku tilmaamay saaxiib ay Soomaaliya leedahay, isaga oo sheegay in dhismyaasha taariikhiga ah ee dalka lagu xusuusanayo xiriirka dheer ee labada dal sida Masraxa qaranka iyo Stadium Muqdisho.

50 sano ka hor ayey soomaaliya xiriir dhanka dublamasiyadda ah la yeelatay jamhuuriyadda dalka ee shiinaha, waxa ayna noqotay dowladii ugu horreeysay ee geeska afrika ku taalla oo xiriir dublamaasiyadeed la yeelata China.

Related Items


Leave a comment