Mogdisho: Hayado iyo NGO ka howlgala Mogdisho oo laga joojiyey shaqada

Tuesday December 14, 2010 - 19:34:30
0 Comments
904
Super Admin
Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha oo war baahinta la hadlay ayaa sheegay in ay shaqada ka joojiyeen Hayado samafal oo ka shaqeeya Caasumada ka dib markii ay shaqadooda Gudan waayeen ayna boos buuxin u joogan iyo magac u yaal wadanka

Wasiir ku xigeenka wasaarada biyaha C/raxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) oo maanta wareegto uu ka soo saaray xafiiskiisa Muqdisho ayaa ku sheegay in la mamnuucay hay’adaha kala ah:- Unicef, NRC, DRC, DBG iyo ICRC kuwaasoo ka hawgali jiray deegaanada ay dowlada ka jirto ee Muqdisho.

“Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 14-12-2010 waxaa wasaaradu go’aamisay in shaqada laga joojiyo hsy’adaha aan soo sheegay, waxaana arintan ogeysiiayaa in la dhaqangaliyo si deg deg ah”, ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Wasiir ku xigeenka C/raxmaan Yuusuf Faaraxoo war baahinta u war bixinyeyayaa yiri “Waxaan shaley oo ahayd 13-ka bisha shir isugu yeernay hay’adahaasi oo aan kala hadalno waxyaabaha ay qabtaan gaar ahaan biyaha, wayna diideen inay kulanka yimaadaan”, ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Wuxuu intaa ku daray in hay’adahaasi aysan waxba u qaban dadka Soomaaliyeed oo magacooda ay hanti kaga soo qaatan caalamka,wuxuuna sheegay inaysan xaq u lahayn in dalka ka shaqeeyaan.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka ayaa u digay NGO-yada gudaha oo uu sheegay inay iyaguna musuqmaasuqaan lacagaha ay ka helaan deeq bixyaasha dadkana waxba ugu qaban.

wasiirka ayaa war baahinta u sheegay in shaley is faham la’aan ay ka dhex dhacday masuuliyiinta wasaarada biyaha iyo macdanta ee DKMG iyadoo uu sidoo kale shaley suurgali waayey kulan lagu balansanaa inuu dhexmaro wasaarada iyo hay’adaha biyaha ka shaqeeya.

Waxaa arintan ku soo beegmeysaa xilli DKMG dhowr jeer baaqyo ka soo saartay xaaladaha abaareed ee heysta dadka Soomaaluyeed taasoo hay’duhu weli ka jawaabin.

Related Items


Leave a comment