Munaasabada daahfurka Adeegga caymiska Caafimaadka oo laga hirgeliyay magaalada muqdisho

Friday February 02, 2024 - 15:11:57
0 Comments
88
ahmed raajaa
MUQDISHO
Mas’uuliyiin katirsan dowladda F.S ayaa ka qeyb galay xaflad lagu maamuusaayey daahfurka Adeegga caymiska Caafimaadka oo markii ugu horeysay laga hirgaliyay Magaalada Muqdisho.

Xafladdaan oo sidoo kale ay ka qeybgaleen madax ka socotay bangiyada Cisbitaalada iyo culuma’udiin kale, waxaa ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji, Wasiirka Dhallinyarada Maxamed Cabdi Barre iyo Senetor Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle,Kuwaas oo xusay muhiimadda adeegga ceymiska uu u leeyahay bulshada iyo sida uu uga qeybqaadan karo daryeelka dadka danyarta ah.

Madaxa Adeegga caymiska Caafimaadka Baraka Kaaliye Care Sakariya Ibraahim iyo Shugri C/qaadir Jilacoow ayaa fahfaahiyay waxqabadka hey’addaan ,iyagoo sheegay in adeeg ceymiska caafimaadka uu yahay mid aad u qiimo jaban,dadkuna ay iibsan karaan, iyagoo xubin ka noqonaya Baraka Kaaliye Care.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment