garawe: Ciyaarta Kubad Cagta oo ku soo gabagabowday Nugaal 1-0 Shabelle Hoose (Sawiro)

Thursday December 16, 2010 - 10:30:41
0 Comments
2197
Super Admin
Ciyaarta Kubad Cagta oo ku soo gabagabowday Nugaal 1-0 Shabele Hoose

Furitaanka Ciyaarta ayaa waxaa ka soo qayb galay Mudayaal Ka kala socda Dowlada Federalka ah , Puntland Iyo xiriirka Caalamiga ah ee Somaliyed sido kale waxaa ka qayb galay dhamaan Kooxa ka qayb galaya Ciyaarta.

Ciyaarta oo ay labaduba soo bandhigeen Ciyaar wanaag ayaa waxaa ay ku soo gabagabowday 1-0 oo 1 ay lee dahay Nugaal tas oo Farxad iyo sawaxan laga dareemayey Dhamaan Kooxa Ka soo qayb galay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo khudbad ka jeediyey garoonka Mire Awaare ayaa ku tilmaamay in ay maanta tahay maalin taariikh ah ayna ka bilaabatay soomaaliya dib u heshiin ayna tahaymaadama mudo dheer kadib gobolada dalka ay iskugu yimaadeen hal meel.

Related Items


Leave a comment