Nin xaaskii uu qabay ku gowracay degmada qoryooleey ee gobolka shabeellada hoose.

Saturday February 03, 2024 - 15:05:27
0 Comments
55
ahmed raajaa
QORYOOLEEY
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin habeenimadii xalay aheyd si arxan darro ah u dilay xaaskii uu qabay isagoo ku gowracay xaafadda Wadajir ee degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa kusoo warramay in Ninka uu tooreey  saddex meel oo kamid ah jirkada xaaskii uu qabay uga dhuftay, iyadoona ugu danbeyn ku geeriyootay isbitaal ku yaalla degmada Qoryoole oo la geeyay.

Saraakiisha ammaanka ee Qoryooley oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xalay fiidkii degmadaasi ka dhacday dhacdo argagax leh, isla markaana laamaha amniga ay gacanta kusoo dhigeen Ninkii gowracay xaaskiisii

Related Items


Leave a comment